|
Maqaalo
Kale |
|
|
|
|
|
|
-
Muxuu
ilaahay u abuuray jinka iyo insigaba ?
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Waxaad farxada inoo ah in aan halkaan idin ku soo gudbino siiro
aad u gaaban oo aan ka diyaarinay Al-Calaamah Sheekh Maxamed Nuur Qawi
ilaahay ha xifdiyo, hana ku sugo xaqa, caafimaad taam ahna Allaha siiyo
aamiin.
Sheekha Allaha xifdiyee wuxuu
mowqif cad ah ka istaagay Manhajka Suubanaha calayhi salaatu waslaam iyo
Salafkeeni ay nooga tageen, wuxuuna si khaalis ah ugu nasteexeyaya culimada
wadanka Soomaaliya iyo Caamadoodaba iney qaadaan dariiqi ay qaadeen
Suubanaha calayhi salaatu waslaam iyo Salafkeeni Allaha ka raali
Noqdee,Asalna ka dhigtaan wax walbana ka hormariyaan faafinta Towxiidka
Alle, Halkaasna Sheekha wuxuu kala kulmay Dhjibaatooyin badan iyo Dacaayado
aad u fara badan, sidii loo dhibi jiray Nabiyadii Alle soo diri
jiray
Al-Calaamah Maxamed Nuur Qawi Allaha Xifdiyo, Caafimaad taam ahan
Allaha siiyo Wuxuu aad ugu caan baxay asalna ka dhigtay Kitaabka Alle iyo
Sunnada Nabiga calayhi Salaatu Wasalaam Labadaasna in loo fahmo Sidey U
fahmeen Ardaydii Rasuulka calayhi salaatu waslaam, wuxu sheekha ku caanbaxay
ka digida Shirkiyaadka, Quraafaadka iyo bidcooyinka
Al-Calaamah Imaam Maxamed Nuur Qawi Allaha Xifdiyee waxa uu lee
yahay Dabeecado iyo tawaaduc mudan ku dayasho, walaalahayga Islaamka ahow
Bal aan dib u jaleecno Siirada Sheekha Dhalashadiisa, Nasabkiisa,
Barbaarkiisa, Cilmigisa, Mashaaikhda waxa ka baratay iyo Sifooyinka uu ku
caan baxay
- Nasabkiisa: MAXAMED
NUUR CUTHMAAN CALI ROOBLE QAWI AL-ORAMI, Qabiilka uu ka dhashayna
waa Qabiilka ugu badan Bariga Afrika
|
-
Dhalashadiisa:
Sheekha Wuxu ku dhashay Magaalada HARAR Maalin ISNIIN ah
Taariikhda markay ahyd 14 Bisha Rajab, Sanadkii 1355 hijrada,
Tuulada la yiraahdo HARMAAYA
|
-
Bar-baarkiisa: Sheekhu Allaha xifdiyee
wuxuu ku barbaaray Agoonimo aabihiis wuxuu dhintay isagoo 6 Bil ku
ah caloosha hooyadiisa, hooyadiisana waxay dhimatay markuu shan
iyo toban jiray Allaha u naxariisto labadiisa waalid. Sheekhu
wuxuu ku barbaraay jawi aan laga aqoon Manhajka Rasuulka
calayhi Salaatu Wasalaam.
|
-
Waxbarashadiisa: waxaa la geeyaya Dugsi
Quraan lagu xifdiyo, wuxuuna sheekha Allaha Xifiyee Quraanka ku
dhameeyay 7 sano markuu jiray, kadibna sheekha wuxuu u sii gudbay
inuu raacdo Barashada Fiqhiga Shaaficiya oo uu ku jiray
Barashadaas mudo isagoo sheekha ay u sii dheereyda barashada
Luqada Carabiga iyo Culuunta Quraanka iyo Axaadiista, kadib
Sheekha Allaha Xifdiyee wuxuu u kicitamay oo u safray dalka Masar
si uu u sii faaiideysto, masar oo waqtigaas laga doonana jiray
Cilmiga Islaamka, Safarkaas Sheekha allaha Xifdiyee wuxuu kala
kulmay mashaqooyin iyo dhibaatooyin badan, markuu tagay Dalka
Masar sheekha wuxuu ku biiray Jaamacada Azhar, wuxuu dhigtay
dugsiga sare ee jaamacada kadibna kuliyada shareecada &
Qaanuunka. kadibna sheekha Alalah xifdiyee wuxuu u sii gudbay
waxbarasho ka sii heer koreysa oo ahyd Kuliyada is barbardhiga
Shareecada & Qaanuunka, Isla waqtigaas Sheekha wuxuu
dhiganayay Machadka hanuunita & dacwada.
|
- Dacwadiisa:
Sheekha markuu
waxbarashadii heer sare ka gaaray ayaa jaamacada Az-har u dirtay
wadankeena si halkaas ugu faafiyo dacwada una guto waajibkiisa,
Sheekha markuu yimid Soomaliya wuxu ku biiray wasaarada Tacliinta
sare, halkaasna uu ka jeedin jiray daruus , wacdiyo iyo waanooyin
wax ku ool ah, wuxuu sheekha Masaajidada ka bilaabay daruus kala
duwan oo u arkayay sheekha iney shacabka soomaaliyeed u ooman
yihiin, Sheekha wuxuu halkaas ka soo saaray Shabaab faro badan oo
dhisan Caqiidada saxiixa ah, laakiin arinkaas waxaysan cajabin
ragii haysteen dariiqada Suufiyada way oo ka horyimid sheekha,
waxayna suufiyada gacan saar la lahayeen Dowlada waqtigaas jirtay,
taasina waxay dhalisay in Sheekha alle dartiisa loo xiray
Xabsigana uu ku jiray Dhowr sanadood, laakiin xarigaasi sheekha
kagama harin inuu xaqa sheego
|
-
Ardaydiisa:
Ducaada wadankeena kuwooda ugu caasna Ee haystaan Manhajka salaf
intooda badan hadaanan dhihin dhamaantood waxay ka faaideysteena
Sheekha iyadoo aana la tiri karin
|
-
Gabo
gabadii: Sheekha
Allaha Xifdiyee wuxu dalka isaga tagay dagaladiisa sokeeye ee
qabaailka ku dhisnaa wuxuna tagay Wadanka Imaaraadka carabta
halkaas u ka bilaabay daruustii iyo waaniiyinki lagu yaqiin. waxaa
la yiraahdaa sida dhabta sheekha waa Aabihii dacwa Salafiya
waa kii soo gaarsiya Dawcada xaqa ah wadankeena. intaasi waa
siirada Al-calaamah Waalid Maxamed Nuur Qawi Allaha xifdiyee Oo
aad u kooban, waxaan alle subxaana watacaala aan u weydiineynaa
Sheekheena inuu siiyo caafimaad taam kuna nooleeyo xaqa kuna dilo,
wixi u dhib iyo mashaqo ah kala kulmay dacwadana Allaha ugu
buuxiyo miizaankiisa xasanaadka AAAAMIIIN
Note: waxaan ka soo qadanay
tarjumadaan Bahda
Al-Qurabaa |
|
|