Tarjamada Imaam Ibn Cuthaymin

Maqaalo Kale

  • Muxuu ilaahay u abuuray jinka iyo insigaba ?

 

  • Sifadda jannada Allaah

 

Waxaad farxada inoo ah in aan halkaan idin ku soo gudbino Taariikhda Al-Calaamah Imaam Faqiih Mufasir, Luqawi, Waric, Zaahid, Naasix Imaam Maxamed Saalix Ibn Cuthaymin Wuxuu sheekha ka mid ah Imaam Aimada waqtigaan loo qiray iney ahayeen Imaamyada qarnigaan xaqa ah ee jamciyaya cilmiga saxda ah, wuxu sheekha cimrigiisa oo dhan ku dhameeystay Cilmo barasho Ku dhaqan ku sabrid iyo cilmi gudbin

Sheekha Allaha u naxariistee wuxuu ku caan baxay Zuhdi, Xalaal miirad, Taqwa, Xaqa oo u iisho meesha uu ka yimaado, iyo sifooyin  xamiido ah oo aan lagu soo koobi karin Qoraalkaan kooban. waxaan Alle Subxaana watacaala ugu baryaynaa inuu ka abaal mariyo U qumida uu u qumay inuu boorka ka jafo Sunnada Nabi Muxamad calayhi salaatu waslaam

  • Nasabkiisa: MAXAMED SAALIX IBN MUXAMED IBN CUTHAYMIN AL-MUQBIL AL-WAHAYBII AL-TAMIIMI Kuunyadiisa waxay ahyd ABUU CABDULAAH
  • Dhalashadiisa & Bar-baarkiisa:: Wuxuu ku dhashay magaalada CUNAYSA wuxuu dhashay 27 Bisha Barakaysan Ee Ramadaan 1347 H. wuxuuna sheekha ka dhashay reer lagu yaqiinay ku toosnaanta Diinta, bal wuxuu sheekha radya u noqday rag ka mid ah qarabadiisa sida Awoowgiisa xaga hooyo SHEEKH C/RAXMAN IBN SULEYMAAN AALA-DAAMIQ Allaha u naxariisto, wuxuu sheekha ku xifdiyay quraanka yaraan, wuxuuna sheekha alaha u naxariistee u kicitamay dalabul cilmi wuxu bartay xisaabta, khadka, iyo noocyo ka mid ah cilmiga adaabta sheekha yarantiisa wuxuu ahaa mid Alle ku manaystay Faham qoto dheer caqli buuxa iyo himad sare, wuxxuna dadaal dheer ku bixiyay siduu u heli lahaa xasiilo cilmi ah isagoo buuxinaya majaalista cilmiga iyo culimada, culimadaasna waxaa ugu horeya Caalimki weynaa ee Mufasairka faqiihiga ahaa C/raxmaan nasir As-sicdi Allaha u naxariistee, wuxuu sheekh As-sicdii u xilsaaray labo sheekh oo kala ah cali saalixi iyo Maxamed c/casiis Mudawici iney wax baraan ardayda yar yar Sheekh ibn Cuthaymiin labadaas sheekh wuu ka faaiideystay wuxuxuna ka qaatay Mukhtasar Caqiidatu wasadhiya li sacdi, iyo Mihaaju Saalikiin fil fiqhi li sacdi iyo Ajruumiya, Alfiyaha,iyo Sarfiga, sidaas ayuu ahaa ku socday sheekha ilaa cilmiga uu meel sare ka gaaray raximahulaah

    Kadib wuxuu sheekha u safray Magaalada Riyaad Halkas oo laga furay Macaahid cilmi ah sanadka markuu ahaa 1372.

    Markuu Sheekh Naasir As-sicdi uu u ku dhintay Magaalada Cunaysa isagoo jira 69 sanadka markuu ahaa 1376 ayaa Imaam Ibn Cutahymiin loo dhiibay Booska Sheekhiisa inuu macalim ka noqdo masjid weyn oo halkaas kui yaalay, Masajidkaas wuxuu ka bilaabay culuunta diinta islaamka, halkaasna wuxuu ku alifay Imaamka Allaha u naxariistee Kitaabkiisa ugu horeeyaya oo u ku magaacabay Fatxu Rabi Al-Bariyah Bitalkhiisi Al-Xamawiyyah

    Imaamka Allaha u naxariistee waxaa loo soo bandhigay inuu qabto oo xaakim ka noqdo Maxkamadii ugu weyneyd ee waqtigaas balse Imaamka Alalaha u naxariisetee wuu ka cudurdaartay

  • Mashaaikhdiisa: Imaamka wuxuu cilmi kala kulmay imaamyo waa weyn oo aan halkaan lagu soo koobi karin inyar ayaan ka tiolmaamaynaa Insha Allah waxaana ka mid ah
  1. Sheekh C/raxman As-Sicdi Allaha U naxariistee
  2. Sheekh C/Casiis Ibn Baaz Allaha U naxariistee
  3. Sheekh Maxamed Amiin Shanqiidhi Allaha U naxariistee
  4. Sheekh Cali Ibn Axmed Al-Saalixii Allaha U nxariistee
  5. Sheekh Maxamed Ibn C/casiis Al-Mudawac Allaha U naxariistee
  6. Sheekh C/raxman Ibn Suleyman Aala-Daamiq
  • Ardaydiisa: Ardayda Sheekha farabdnaantooda awgeed lama soo koobi karo gaar ahaan sanadihi ugu dambeeyay ilaa lagu tilmaamay inay 500 oo arday kor u dhaafeen kuwaasoo oo ku xirnaa Majaalista cilmiga ee Sheekha oo aad u farabadneeyd
  • Kutubta Sheekha: Kutubta sheekha waxa lagu qiyaashay iney kor u dhaaftay 55 kitaab iyo risaaloyin aan la koobi karin
  • Manhajkiisa Cilmiga Ahaa: Imaamka Allaha u naxariistee wuu bayaaniyay manhajkiisa had iyo jeerna wuxuu cadeeyn jiray inuu qaadayo dariiqii culimadiisi ka horeeysay, isagioo markastana bayaamin jirtay wixi ka soo hara dariiqa Salafkeena inuu yahay baadil waajibna tahay in la qaado manhjka salaf.wuxuna ka digi jiray in la qabsdo Mad-had mucayin ah wuxxu ahaa mid yiraahdaa kuwa mad-habta meesha ay ka qateen ka qaataa kana taga mad-habyada indho la'aanta la racayo

Imaam Maxamed Saalix Ibn Cuthaymiin Allaha ka jizeeyo Fordowsa aclaa wuxuu ka tagay cilmi an la soo koobi karin cajaldihii laga duubay ayaan la soo koobi karin fani uusan wax ka sharxina ma jirto, Muslimiinta meelkasta ay joogaan ayaa soo weydiin jireen waxay garan waayaan wuuna ka jaahil bixin jiray isagoo ku socda Asalka ah kitaabka, sunada iyo ijmaaca

  • OOfsashadiisi: Imaam Maxamed Saalix Ibn Cuthaymiin Allaha ka jizeeyo Fordowsa aclaa wxaa la oofsaday Maalin Arbaca bacda Salaatu; Maqrib 15 Shawaal 1421 H oo ku aadanetd 10 Jan 2001

Cidwalba oo Sunnada jecel ayaa jeclayd ilaahy waxaan ka baryaynaa in Qabrigiisa u nuuriyo maalinta qiyaamahana Fordowas ka waraabiyo

Aamiin

W Q Ahmed