Mahad Ilaahay baa iska leh, Ilaaha abuuray samooyinka, dhulalka iyo waxa ku guda jiraba ee noole iyo ma noolaba leh, Ilaaha wax kastoo jiraa ay nasahaan habeen iyo maalinba, Ilaaha wax walba ku ahaysiiya ahow isla markaa uu waxaasi ahaanayo, Ilaaha aan waxba u baahan ee isaga ay wax kastaa u baahan yihiin,Ilaaha weligii jiray, jirina doona marka ay waxkastaa baaba'aan, odhanna Maalinta uu keligii yahay "Maanta yaa Mulkiga (maamulka iyo lahaanshaha adduunka) iska leh " cid u jawaabta marka uu waayana isagu iskugu jawaabaya " waxa iska leh Ilaaha keli ah ee adkaada". Naxariis iyo nabadgalyo Eebbana ha ahaato Rasuulkeennii suubanaa korkiisa, ahaana naxariistii Eebbe nasahnaa oo korreeye uu adduunka u soo saaray, Rasuulkii Eebbe uu ku yidhi:- "Kuumaanaan soo dirin naxariis aad caalamiinta (uumanaha) u tahay mooyaane" Rasuulkii uu Eebbe nasahnaa oo korreeye ammaanay dhaqankiisa iyo asluubtiisa "Waxaa kuu sugnaaday(Nabiyow) dhaqan(asluub fiican) oo wayn".

     Ilahaay nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-"Yaa ka wanaagsan hadal, ruux ugu yeedhay (dadka) xagga Ilaahay, sameeyayna wanaag, yidhina waxaan ka mid ahay Muslimiinta " Suuradda Fussilat aayadda 33aad .Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:- "Iga gaadhsiiya xaggayga (dadka) Aayadna ha ahaatee". Waxaa kale oo uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:- "Addoonku Ilaahay (nasahnaa oo korreeye) hortiisa kama dhaqaaqo ilaa la waydiiyo afar:- Cimrigiisii iyo waxa uu ku dhammaystay, Dhallinyaranimadiisii iyo waxa uu ku qabtay, Cilmigiisii iyo waxa uu ku sameeyay, Maalkiisii meesha uu ka keenay iyo halka uu ku bixiyay ". Haddaba anigoo garawsan in Ilaahay korreeye uu i waydiin doono cilmiga uu i baray iyo waxaan ku sameeyay ayaan isku dayay inaan bal walaalahayga Soomaaliyeed aqoontooda ku biiriyo kitaabkan yar oo aan Ilaahay ka rajaynayo kana baryayo inuu ku anfaco kitaabkan oo aan isku dayay inaan soo minguuriyo sidii ugu habboonayd ee uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu u tukan jiray.Waxaan raadraac ugu noqday kutub dhawr ah oo waqtigan aynu joogno la qoray iyo kutub beri hore ay culimada muslimiintu qoreen, waxaanan isku dayay inaan is barbar dhigo dhawr fikradood, ama mararka qaarkood afarta Mad-habood ee kala ah Shaaficiyada,Maalikiyada,Xanafiyada iyo Xanbaliyada,  waxaana igu xambaaray waayo aragnimo aan ka qaatay waxyaalo fara badan oo soo baxay markii Yurub la soo galay, oo ay dhacday in arrimo badan oo markii Soomaaliya la joogay aan laga hadli jirin, amaba aanba laba soo qaadi jirin ayay duruufuhu keeneen in la is waydiiyo, tusaale anagoo dhawr iyo labaatan dhallinyaro u badan ayaanu wada degnay magaalo yar oo waqooyiga Yurub ah, waxaanu markaas ku dhaqmaynay mad-habta Shaaficiyada oo shardi ka dhigaysa tukushada Salaadda Jimcaha in ugu yaran 40 qof ay joogaan si Jimcaha jamaaco loogu tukudo iyo waliba arrimo kale oo su'aalo joogto ah keenay. Waxayna arrimahaasi keeneen inaan kutub badan raad raaco,waana ta keentay inaan buuggan qoro.Waxaan isku dayay inaan arrin kastaba dhawr fikradood isbarbar dhigo, siiba afarta mad-habood ee caanka ah ,waxaanan ka soo qaatay ta aniga ila habboon ee aan is idhi Allaylehe taasaa malahayga ugu habboon.       

      Hore iyo dambaba waxaa mahad iska leh Ilaahii i siiyay nimco uu addoon siiyo nimcada u qaalisan waa nimcada Islaamnimada ahe, iguna sugay Islaamnimo, iguna dhex abuuray bulsho muslin ah,ina baray waxaanan aqoon "Rabbiyow ii kordhi cilmi, iguna arsaaq fahmo".Ilaahii garansiiyay Hooyaday Khadiija Aw Cali (Jaanyar) naxariistiisa Janno Ilaahay ha ka waraabiyee inay iga soo kaxayso Gaama (waa meeshii aan ku dhashay oo ku taala duleedka magaalada Jigjiga, buuraha Gurays hoostoodana ah), Wajaalana i keento,aabahayna naxariistiisa Janno Ilaahay ha ka waraabiyee garansiiyay inuu igu daro malcaamaddii Badri Sheekh Abuukar iyo Cabdisamad Sheekh oo ahaa labadii macallin ee Ilaahay ha ka abaal mariyee wax i baray.

     Ilaahay baan ka baryayaa inuu camalkan iiga dhigo mid aan ku doonayo wajigiisa kariimka ah ,isagana aan u gaar yeelayo, isagaana jidka toosan ku hanuuniya kuna hagaajiya addoomada uu jecel yahaye,baryadayada u dambaysaana waa Mahad oo dhan waxaa iska leh Caalamiinta oo dhan Rabbigood.

     Wixii gaf,illowsho iyo garasho gaabni ah waa xaggayga iyo shaydaanka, Ilaahay baanan ka baryayaa inuu iga dhaafo,wixii aan haleelana waa wax xagg aallah ka yimid Ilaahay baanan markasta talo saaranayaa

 

 

                            Salaadda

 

 

Salaaddu waa cibaado(1 )ka kooban akhrin (Quraan , Alla waynayn,Alla nasahaad,Alla baryid) iyo falal gaar ah(Rukuucid(2) , Sujuudid(3)). Kuna furanta (bilaabanta) waynaynta Eebbe korree oo waynaaye (Allaahu Akbar/Ilaah baa wayn), kuna dhammaata (xidhanta) salaama naqsi (Assalaamu Calaykum/Nabadgalyo korkiinna ha ahaato).

     Waa udub dhexaadka diinta ,la'aanteedna diintu dhismayn sida uu Rasuulkeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inoo caddeeyay isagoo yidhi:-(Arrinka madaxiisu waa Islaamka,udubdhexaadkiisuna waa Salaadda ,baarka kuruskiisuna(figtiisa korena) waa u halganka Jidka Ilaahay).

Ilaalinteeda iyo dhawristeeda xilliyeedna (waqtiyada salaaddu) waa waajib saaran qof kasta oo muslin ah xaalad kasta oo uu ku jiraba.Eebbe korree oo waynaaye oo inna faraya ilaalnteedana wuxuu yidhi:- (Ilaaliya Salaadaha iyo Salaadda dhexe(Casar), una istaaga dar  Eebbe idinkoo yeeli (khushuucsan),haddii aad cabsataana idinkoo lug ah,ama gaadiid fuushan (tukada), markaad nabad heshaana xusa Eebbe sida uu idiin baray waxaydaan aqoonin) [Suuradda Albaqara (Suuraddii Saca) 238--239].

Salaaddu waa xilkii cibaadooyinka ugu horreeyay ee uu Eebbe nasahnaa oo korreeye saaray addoomadiisa , iyadoo uu xilkaas si toos ah u soo faray Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye habeenkii la dheelmiyay ,samooyinka korana la geeyey , ummaddiisana ugu soo dhiibay xilkaas iyadoon cidi u dhaxayn.

_________________________

1-Cibaadadu waa wax kasta oo fiican oo Ilaahay dartii loo sameeyo sida :- Salaadda, Soonka, Sakada (Sadaqada), tagista Xajka, u samafalka dadka tabaalaysan,u halganka jidka Eebbe, faritaanka wanaagga iyo reebidda xumaanta, barista dadka aqoonta Eebbe ku baray  iwm.Cibaadaduna waa wixii Eebbe adduunkan dartii u abuuray .Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-(Umaanan abuurin Jinka iyo Insiga(dadka) inay i caabudaan mooyee).

2.Rukuucdu waa fal Salaadeed ka mid ah falalka ay Salaaddu ku dhammaystirmayso, waxaana uu qofka muslinka ahi sameeyaa marka uu akhriyo Suuradda Faataxada iyo Quraankii kale ee u fududaada kaddib, waana foorarsi qufku uu jilbihiisa ku qabsanayo gacmihiisa ,dhabarkiisana uu simayo, iyadoo labadiisa lugoodna waxogay kala durugsan yihiin, isagoo odhanaya (Subxaana Rabbiyal Cadiimi Wabixamdihii=Rabbigayga wayn baa ku nasahan mahadiisa).

3.Sujuuddu waa fal Salaadeed la sameeyo Rukuucda kaddib ,iyadoo uu qofku saarayo dhulka foodda wajiga,sa-nka,gacmaha(calaacalaha),jilbaha iyo faraha lugaha, iyadoo faraha gacmuhu la siman yihiin wajiga,isla markaana waxogay kala furaya garbaha,isagoo odhanaya (Subxaana Rabbiyal Aclaa Wabi Xamdihii=Rabbigayga korreeya baa ku nasahan mahaddiisa).

____________________________

 

Asaxaabigii1 la odhan jiry Anas binu Maalik Ilaahay ha ka raalli ahaadee wuxuu yidhi:-(Waxaa salaadda lagu farad(waajib) yeelay Nabaiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye habeenkii la dheelmiyay iyadoo konton (Salaadood) ah ,markaasaa la dhimay ilaa laga yeelay shan(Salaadood), markaasaa loo dhawaaqay (nabaiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) oo la yidhi:- "Maxamadow; Hadalka agtayda lama beddelo, shantaas waxaad ku leedahay (abaalmarinta) konton(Salaadood)). [Waxaa wariyay Axmad ,Annisaa'i iyo Tirmiidi oo saxay].

 

     Waa tiirka labaad ee lammaaneeya qiritaanka addoonku qiro kelinimada Eebbe iyo xaq u yeelashada cibaadada uu Eebbe darteed Jin iyo dadba u abuuray ,sida Eebbe nasahnaa oo korreeye uu Quraanka innoogu sheegay yidhina:- (Umaanan abuurin Jinni iyo dadba inay i caabudaan mooyee) (Suuradda Addaariyaat 56). Iyo qiritaanka in Nabi Maxamad naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye adoonkiisii iyo soo dirihiisii (Rasuulkiisii) uu yahay .Iyadoo isla markaa Salaaddu u noqonaysa addoonka xayndaabkii uu xumaanta ka galayay , sida Eebbe nasahnaa oo korreeye uu innoogu sheegay Quraaanka:- (Akhri (nabiyow) waxa laguu waxyoon oo kitaabka ah, oog Salaadana, maxaa yeelay Salaaddu waxay ka reebtaa (dadka) xumaanta iyo wax la noco , xusidda Eebbaana wayn , Eebbana waa og yahay waxaad samaynaysaan)  (Suuradda Al-Cankabuut 45).

Isla markaana u ahaanaysa mid(Salaaddu) gafafka ka maydha ,sida uu yidhi Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye:- (Shanta Salaadood waxay la mid yihiin sida wabi biyo badan oo qulqulaya afaafka midkiin, kuna maydha(qabaysta) maalintii shan jeer). [Muslin baa wariyay]. Iyo Xadiiskii kale ee Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-(Shanta Salaadood , iyo Jimce ilaa Jimce , iyo Ramadaan ilaa Ramadaan waxay tirtiraan (gafafka) dhexdooda ah , haddii laga dheeraado(danbiyada) kuwa waawayn) [Muslin baa wariyay].

________________________

1-Asaxaabi (la socde) waa facii ugu horreeyay ee Umadda Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye,nasiibna u yeeshay inay Nabiga Eebbe la soo dhaqmaan , jidna la soo maraan , xilkii ugu ballaadhna ee fidinta diintana dhabarka u ritay ,iyagoo arrintaas ku mutay inay noqdaan faca u khayr badan umaddan ,sida uu nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi :-( Waxaa idiinku khayr badan facayga ,markaana kuwa ku sii xiga, markaana kuwa ku sii xiga).

_________________________

 

     Waa xadhiga xidhiidhiya Ilaahay iyo addoonkiisa ,ahna waqtiga uu addoonku Eebbihii ugu dhawaansho badan yahay,sida uu Rasuulkeennu naxariis iyo nabad galyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Wuxuu addoonku ugu dhawaansho badan yahay (Ilaahay) isaga oo sujuudsan) [Basaar baa soo saaray Ina Mascuud buuna ka soo xigtay waana xadiis saxiix ah]. Waana fal(camal) addoonku qabto ka ugu khayr badan , sida uu Rasuulkeennu inoo sheegay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye isagoo yidhi:-(Toosnaada koobi maysaane,ogaadana in camalladiina(falalkiinna) ay Salaaddu ugu khayr badan tahay, waysaysigana ma dhawro qof mu'min(rumeeye) ah mooyee) [Maalik ayaa kitaabkiisa Mooda' la yidhaahdo ku qoray].

Iyadoo isla markaana noqonaysa falkii uu addoonku samayntiisa Jannada kula dhex taxtaxaashi lahaa Rasuulkeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, sidii uu Muslim ka soo wariyay Ina Rabiica Maalik oo reer Aslami ahaa (Rabiica Binu Maalik Al-Aslamiyyi) inuu yidhi:-Rasuulkaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye igu yidhi:-(Waydiiso(wax i waydiiso)) , markaasaan ku idhi:- waxaan ku waydiisanayaa inaan Jannada dhexdeeda kugula daanshadaanshoodo , markaasuu yidhi(Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Wax kale miyaadan i waydiisanayn?),markaasaan ku idhi:- Waa intaas, markaasuu yidhi (Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):- (Haddaba adna iigu dadaal naftaadu badsiga sujuudda (Salaadda)).

 

     Waana waxa ugu horreeya Salaaddu ee maalinta Abaal-marinta(Qiyaamada) la waydiin doono in addoonku si fiican u gutay iyo in kale ,waana falka(camalka) addoonka u hagi doona hoygii badhaadhaha(Janada) haddii waxqabadkiisii adduunyo hormoodkiisa oo Salaadda ahi hagaagsnaato,toosnaato si fiicanna u soo gutay, ama u hagi doona hoygii baaba'a(Naarta),haddii waxqabadkiisii adduunyo hormoodkiisa oo Salaadda ahi hallawdo ,si fiicanna u soo gudan waayay , sida uu nabigeenni naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innoogu sheegay Xadiiskii uu ku yidhi:-(Waxa ugu horreeya ee addoonka waxqabadkiisii(camalkiisii) la warsan(xisaabin) doono maalinta Qiyaame waa Salaaddiisii,  Markaa haddii ay hagaagsanaato wuu gudbay (aflaxay) wuuna liibaanay (najaxay),haddiise ay hallowdo wuu hoogay wuuna khasaaray.Haddii uu wax ka dhinnaado faradkiisii (Xilkii lagu waajibiyay),Rabbi waynaa oo sharaf badnaaye wuxuu odhani:-"Eega (fiiriya) addoonkaygu ma leeyahay dheeri (Salaad Sunne1 ah) oo looga dhammaystiro wixii ka dhinnaaday faradka?" . Markaasuu waxqabadkiisa kalana sidaa noqonayaa) [Tirmiidi baa wariyay wuxuuna yidhi waa xadiis fiican].

 

     Waajib ahaanta Salaadduna waxay ku sugnaatay Kitaabka Quraanka ah ee sharafta badan , iyo jidayntii (Sunnadii) Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaata-ye.Haddii aan Quraanka sharafta leh ku horreyno Eebbe waynaa oo korreeye meelo fara badan oo Quraanka ah ayuu innoogu caddeeyey heerka ay Salaaddu tahay inay qof kasta oo muslin ah oo Eebbe iyo rasuulkiisa rumeeyay ka taagnaato(dhawristeeda,qadarinteeda iyo gudashadeeduba).Eebbe nasahnaa oo waynaaye wuxuu yidhi:-(Waxaa liibaanay ruuxii Daahir noqda ,magaca Eebbeana xusa Salaadana tukada) [Suuradda Al Aclaa 14-15].

Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Salaaddu waxay ku tahay Mu'miniinta Xukun waqtiyaysan)[Suuradda Annisaa'a dhammaadka aayadda 103].

Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Anigu waxaan ahay Alle Ilaah kalana ma jiro aniga mooyee ee ani i Caabud , Salaaddana u oog xuskayga) [Suuradda Daaha 14].

Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:- (Salaaddana ooga , Sakadana bixiya, Waxaad u hormarsataan naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebbe agtiisa ,Eebbena waxaad qabanaysaan(Camalfalaysaan) waa arkaa) [Suuradda Al-Baqarah 110].

Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Ilaaliya Salaadaha iyo Salaadda dhexe(Casar) una istaaga dar Eebbe idinkoo yeeli(Khushuuci) ) [Suuradda Al-Baqarah 238].

Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(U tuko Eebbahaa dartiis,waxna u gawrac) [Suuradda Al-Kawsar 2].

Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Waxa liibaanay(dhab ahaan) Mu'miniinta,ah kuwa Salaadda ku Khushuuca) ilaa laga gaadho hadalka Eebbe korreeye uu ku yidhi:- (Waana kuwa Salaadahooda ilaaliya, kuwaasi waa kuwa dhaxli (wanaagga), oo ah kuwa dhaxli (Jannada) Firdawsa kuna waari dhexdeeda) [Suuradda Al-Mu'minuun 1,2------9,10,11].

     Rasuulkeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, Jidayntiisii (Sunnadiisii fal iyo hadalba ahaa) ayuu innagu tusay , Xadiisyo fara badan oo Salaadda waajibnimadeeda caddaynayana waa laga soo wariyay ,waxaana ka mid ah Xadiiskii uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku yidhi:- (Waxaa la i faray (amray) inaan la dagaalamo dadka ilaa ay ka qirayaan inaan Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, iyo in Muxamadna Rasuulkii Ilaahay yahay , iyo inay Salaadda oogaan , bixiyaanna Sakada, hadday sidaas yeelaanna waxaa iga dhawrsoon (reeban) dhiigooda iyo xoolohooda xaqa Islaamku ku leeyahay mooyee, xisaabintoodana Ilaahay baa haya) [Bukhaari iyo Muslin baa wariyay].

Waxaa kale oo uu Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Ninka(qofka) iyo gaalnimada waxaa u dhaxeeya ka tagista Salaadda) [Axmad,Muslim,Abuu Daa'uud,Tirmiidi iyo Ina Maajah(Ibnu Maajah) baa wariyay]. Adkaynta uu Salaadda innagu adkaynayo oogisteeduna waxay ahayd dardaarankiisii ugu danbeeyay markii uu dunidan ka sii socday xagga Eebbehiina u noqonayay, isagoo odhanaya:-(Salaadda ,Salaadda (ooga, ooga oo dhawra) iyo ciddii gacantiinnu hantido (u naxariista oo kaalmeeya) ).

 

 

 

                           Yay waajib ku tahay ?

 

 

    Waxay waajib (xilsaaran) ku tahay qof kasta oo muslin ah , caqli leh(miyir qaba) oo qaangaadh ah ,sida uu caddaynayo Xadiiskii Caa'isha Ilaah raalli ha ka ahaadee ay soo werisay in Nabigu naxariis iyo naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:- (Saddex qalinkoodu wuu laalan yahay(xil ma saarna)-ka hordaa ilaa uu ka baraarugo, ilmuhuna inta uu ka qaangaadho , ka waalanna ilaa uu ka miyirsanayo-) [Waxaa weriyay Axmed, Asxaabta Sunanta iyo Xaakim oo yidhi:- Wuxuu saxiix ku yahay shardiga labada Sheekh (Bukhaari iyo Muslin), Tirmiidina wuu wanaajiyay].1    

 

     Waxaase habboon ilmuhu markuu toddoba jir gaadho in la baro salaadda (habka loo tukado ,shuruudaheeda iyo su-gnaanteedaba),toban jir markuu gaadhan haddii uu tukan waayo in la uleeyo oo gogosha loo diido inuu seexdo isagoon tukan, si uu u qabatimo tukashada Salaadda , uguna toosnaado qalloocna u galin waayo yaraantay toosintu ku habboon tahay ,sida geedkuba in yaraanta lagu toostoosiyo ugu habboon yahay.Sida Rasuulkeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Xadiis uu ka soo wariyay Cumar Ibnu Shucayb aabihii iyo awawgii uu ku yidhi:-(Fara caruurtiina Salaadda marka ay toddoba jirsadaan ,kuna garaaca (hadday tukan waayaan) markay toban jirsadaan gogoshana u kala rara (gabdhaha iyo wiilasha) )   [ Waxaa wariyay Axmed,Abuu Daa'uud iyo Al-Xaakim , wuxuuna yidhi :- Wuxuu saxiix ku yahay shardiga Muslin].

 

 

 

Muxuu noqonayaa xukunka qofka Salaadda ka taga?

 

 

Qofka Salaadda Inkira jiritaankeeda, kana madax adaygaa waa gaal ka baxay diinta Islaamka , sida Eebbe nasahnaa oo waynaaye uu Quraankiisa sharafta badan innoogaga warramay jawaabaha ay kuwa Naarta galaa u celinayaan dadka Jannada gala. Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-(Naf walba waxay u xidhan tahay waxay falatay (camal),hase yeeshee midiglayaashu (kuwa buuggooda camal midigta laga siiyay) waxay geli Jannooyin , iyagoo iswaydiin, kuwii danbiilayaasha ahaa , iyagoo ku odhan maxaa idin galiyay Naarta Saqara (la dhaho) , waxay yidhaahdeen (ugu jawaabi)  ka mid maanaan ahayn kuwa tukada , mana aanaan ahayn kuwo quudiya miskiinka ,waxaanannu ahayn kuwo la tiimbada kuwa xumaanta tiimbanaya (dhumbanaya) , waxaanannu ahayn kuwo beeniya maalinta abaalmarinta,illaa ay dhabtu nooga timaado (geeridu) ) [Suuradda Al-Muddasir 38-47]. 

 

     Kase rumaysan Salaadda aanse tukan illaa waqtigeedu ka baxo si kas ah asxaabtii Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye iyagana Ilaah ha ka raalli ahaadee qaar baa gaaleeyey waxaana ka mid ah (Cumar Binu Khaddaab,Cabdillaahi Ibnu Mascuud,Cabdillaahi Ibnu Cabbaas , Mucaad Binu Jabal,Jaabir Binu Cabdillaahi , iyo Abuu Dardaa'a). Raacayaashiina(Taabiciyiintiina) kuwa gaaleeyay waxaa ka mid ah:-Axmed Ibnu Xanbal,Isxaaq Binu Raahweyh,Cabdillaahi Ibnu Mubaarak ,Nakhaci,Al-Xakam Binu Cutaybah,Abuu Ayuub Al-Sakhtiyaani,Abuu Daa'uud Addayaalisi,Abuu Bakar Binu Abii shaybah,Suhayr Binu Xarbi iyo kuwo kale Allaha u wada naxariistee). [ Abdil-Cadiim Al-Mundiri ayaa ku qoray kitaaabkiisa la yidhaahdo Attarqi-ib Wattarhiib/Rajogalin iyo Cabsiin].

     "Hormoodada Mad-habuhuna (A'imada) qaar waxay banneeyeen in loo dilo gaalnimo qofkii inta la faro tukashada Salaadda diida balse faradnimadeeda (waajibnimadeeda) aan ka madax adaygayn sida:- Axmed ,Isxaaq iyo Ina Mubaarak .Qolyana waxay yidhaahdeen xad’ ahaan baa loo dilayaa (ee la gaalayn maayo) sida Maalik iyo Shaafici.

Abuu Xaniifa iyo asxaabtiisa iyo Ehlu Daahirku waxay u arkaan in la xidho oo la canaanto(garaaco) ilaa uu ka tukado" [Ibnu Rushdi ayaa ku qoray kitaabkiisa Bidaayatul Mujtahid.. ]

     Khilaafkaasina wuuxu la xidhiidhaa habka fahamka Xadiisyada ka soo arooray Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ee qofka Salaadda ka taga gaalnimo ku sheegay sida xadiisyadan hoos ku qoran oo kale:-

1-Jaabir Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga soo weriyay in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ninka (qofka) iyo gaalnimada waxaa u dhaxeeya ka tagista Salaadda) [Kooxdaa warisay Bukhaari iyo Nisaa'i mooyaane].

2-Buraydah Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ballantii noo dhaxaysay annaga iyo iyagu waa Salaadda, markaa kii tagaa wuu gaaloobay) [Shantaa warisay].

3-Cabdillaahi Binu Camar Binul-Caas Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu maalin ka hadlay Salaadda yidhina:-(Ka ilaaliya iyada (Salaadda) waxay u noqotaa maalinta Qiyaamada iftiin,bur-haan (caddayn) iyo badbaado . Kaan ilaalinna uma noqoto iftiin, burhaan iyo badbaado toona,waxaanu maalinta Qiyaamada meel la maraa Qaaruun, Fircoon , Haamaan iyo Ubayyi Binu Khalaf) [Waxaa weriyay Axmed,Dabaraani iyo Ibnu Xabbaan ,sanadkiisuna(cuskashadiisuna) waa fiican yahay].

     Iyadoo aynu arkaynno in Xadiisyadaasi caddeeyeen magacdhawga gaalnimo qofkii tukan waaya ayaa culimada sidaa ka soo horjeeddaa waxay soo qaataan Nusuus(weedho) guud  sida hadalkii Eebbe korreeye uu ku yidhi:-(Eebbe ma dhaafo in lala wadaajiyo (cid kale Cibaadada) wuuse ka dhaafaa wixii waxaas ka soo hadhay cidduu doono. Ruuxii la wadaajiya Eebbe (cid kale cibaadada), wuxuu dhumay dhumid wayn) [Suuradda An-Nisaa' -116]

 

      Shawkaani wuxuu yidhi:-"Kii uu Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku magacaabay gaal , annaguna gaal ayaannu ku magacaabaynaa ,waxna ku kordhin mayno ,waxna ka mala awaali maynno ,waayo wax nagu xambaarayaan jirin". [Naylul Awdaar 1/287].

Halkaas waxaa markaa innooga cad in jidku kala cad yahay ,caqli laawuhuna keligii uu ku lugo'ayo isdhigasho aan adduun iyo aakhara toona meel marinayn.

 

   Waxyaalaha waajibka ah Salaadda  ka hor

        Waxaa jira waxyaalo shuruudo ah oo aanay Salaaddu la'aantood ku ansaxmayn(dhammaystirmayn),illaa uu qofka muslinka ahi la yimaaddo mooyaane,waxayna kala yihiin:-
1-Daahirnimada(nadiifnimada):-Taasoo koobaysa daahir ahaanshaha jidhka,dharka iyo goobta Salaadda lagu tukanayo.
2-Asturaadda (qarinta) cawrada.
3-Garashada iyo ogaanshaha waqtiga Salaadda.
4-U jeedsiga xagga Qiblada (masaajidka Xurmaysan 1 )

 

 

1-Masaajidka Xurmaysan:- Waa gurigii ugu horreeyey ee Ilaahay nasah-naa oo korreeye uu u dhigay dadku inay ku cibaadaystaan, wuxuuna ku yaalaa Makka, Eebbe wuxuu yidhi: "Gurigii ugu horreeyay ee loo dhigay (loo sameeyay si ay ugu Cibaadaystaan) waaka Baka (Makka) ku yaala". 

 

 

 Haddii Eebbe oggolaadana aynu isku daynu inaan mid mid u balball-aadhinno shuruudahaas aan kor ku soo sheegnay.

 

                            1.Daahirnimada(nadiifnimada)

 

     Waa iska maydhista qofka muslinka ahi uu ka maydho jidhkiisa iyo dharkiisaba nijaasta1 muuqata sida kaadida ,saxarada iyo dhiigga oo uu qofku ka Istijoonayo2 ama iska dhaqayaba, iyo nijaasta xukumeed(go'aameed) sida Jinaabada,caadada(dumarka) iyo dhiigga dhalmada(dumarka) oo uu qofku jidhkiisoo dhan biyo wada gaadhsiinayo , isagoo markaa kaddibna waysaysanaya , sida Eebbe korree oo waynaaye uu Quraanka innoogu caddeeyay kuna yidhi:- (Kuwa (xaqa) rumeeyayow, haddaad u kacdaan Salaadda,maydha(dhaqa) wajiyadiinna iyo gacmihiinna tan iyo Jiqilka (Xusulka), masaxana madax-iinna, (dhaqana) lugihiinna tan iyo anqawyada,haddaad Janaabo qabtaanna isdaahiriya , haddaad buktaan ama safar tihiin ama ka timaadaan kortag ama istaabataan haween oydaan helin biyo,ku gabagabaysta dhul daahira , kuna masaxa wajigiinna iyo gacmihiinna , idinlama doonayo Eebbe inuu yeelo korkiinna dhib ,wuxuuse dooni inuu idin daahiriyo,idiinna dhammeeyo nimcadiisa korkiina ah inaad shugridaan (mahadnaqdaan) darteed) [Suuradda Almaa'ida 6].

Iyo sidoo kale Xadiiskii uu soo wariyay Ina Cumar Allaha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e, in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatee uu yidhi :-(Ma aqbalo (yeelo) Ilaahay Salaad aan laysku daahirin , iyo Sadaqo(wax bixin) ka timid xatooyo 3) [Kooxdaa warisay Bukhaari mooyaane]. 

     Asal ahaanna waxa la isku daahiriyaa waa biyo ,sida uu Eebbe korree oo waynaaye uu Quraanka innoogu sheegay kuna yidhi:-(Eebbe (sarreeye) waa kan u dira dabaysha bishaaro darteed naxariistiisa (roobka) hortiisa (ka hor), waxaanannu ka soo dejinay samada biyo wax daahiriya ) [Suuradda Alfurqaan :48].

     Aqoonyahanada (culimada) islaamkuna waxay isku raacsan yihiin in biyoo dhami1 ay daahir yihiin waxna daahirin karaan , waxay kaloo isku raacsan yihiin in biyaha badan ee aanay nijaastu beddelin urtooda,midabkooda iyo dhadhankoodaba ay daahir wax daahirin kara yihiin ,sidoo kale waxay isku raaceen in biyaha ay dooriyeen waxaan laga ajoonayn(didayn) ama muddo meel ku jiray1 inay daahir wax daahirin kara yihiin , waxay kaloo isku raaceen in biyaha nijaasi tilmaamahoodii beddeshay (ur,midab iyo dhadhanba) aan la isku daahirin karin laguna waysaysan karin , waxayse isku khilaafeen:-

1-Biyaha nijaasi ku dhacday oo uu Maalik yidhi biyuhu ha bateen ama ha yaraadeene hadday nijaasi ku dhacdo waa daahir la isku daahirin karo ,wuxuuse shardi uga dhigay inaanay nijaastu beddelin seddexdii astaamood middood(ur,midab iyo dhadhan), isagoo maragsaday labadan xadiis oo midka hore laga soo wariyay Abii Hurayra Allaha ka raalli ahaadee inuu yidhi:- Nin reer baadiye ah ayaa kacay , markaassuu Masaajidka ku dhex kaajay , dadkiibaa markaas intay iswada taageen mid kastaa damcay inuu wax ku dhufto , markaasaa Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku yidhi:-(Waar daaya , kuna shuba kaadidiisa dusheeda waadaan biyo ah (buuxda amaba dhiman) ama waadaan biyo ah (oo buuxda) , waxaa laydin soo saaray fudaydiyayaal ee la idiinma soo saarin adkeeyayaale) [Kooxda ayaa warisay Muslim mooyaane]

Iyo Xadiiska kale ee laga soo wariyay Abii Saciid Alkhudari Allaha ka raalli ahaadee inuu yidhi:- Waxaa la yidhi Rasuul Allow(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) ma ku waysaysan karnaa ceelka Budaaca (ceel Madiina ku yaalay  oo aad u biyo yaraa marka uu soo buuxsamo miskaha ma dhaafi jirin marka uu biyo yareeyana ka hoos mari jirey) ?. Markaasuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe jorkiisa ahaataye) :-(Biyuhu waa daahir , waxna ma nijaasayn karaan ) [Waxaa wariyay Axmad,Shaafici,Abuu Daa'uud,Annisaa'i iyo Tirmiidi oo wanaajiyay ].

Abii Xaniifa iyo Shaaficina waxay u kala qaadeen biyaha badni iyo yaraan , iyagoo yidhi yaraanta hadday nijaasi taabato waa nijaas , iyadoo uu Shaafici soo qaatay Xadiiskii laga soo wariyay Ina Cumar Allaha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo allaah korkiisa ahaataye uu yidhi sida laga wariyay :-(Haddii biyuhu yihiin laba Qulladood(3)  ma qaataan nijaasta) [Shantaa warisay].

 

 

1-Nijaas:-Waxaa la yidhaahdaa waxyaalaha ay ka mid yihiin dhiigga,kaadida,saxarada, mataga iwm, kuwaasoo ay waajib tahay in qofku iska daahiriyo.
2-Istijo:-waa marka uu qofku kortago(xamaam ama musqul) galo inuu iska nadiifiyo saxarada amaba kaadida, isagoo iskaga qalajinaya dhagax,warqad ama wixii la mid ah, amaba iskaga maydhaya biyo.
3-Qullad:-waa qiyaas xaddi ah laba Foosto

 

 

 

Qasaali wuxuu yidhi :- Waxaan jeclaan lahaa in Mad-habka Shaafici ee la xidhiidha biyaha uu noqdo sida Mad-habka Maalik oo kale [Kitaabka Fiqhi Sunnah b. 21].Ibnu Rushdina wuxuu kitaabkiisa (Bilawga dadaalaha iyo dhammaadka doonaha) uu ku yidhi:- Xadka necbaysigu(karaahiyadu) wuxuu ila yahay wixii naftu necbaysato una aragto biyo xun , taasoo ah wixii cabitaankiisa dadku naco waxaa waajib ah in laga dheeraado isticmaalkooda Ilaahay korreeye loogu dhawaanayo .

     Anigana waxay ila tahay maadaama ay biyo soconaya yihiin , astaantooda biyoodna aanay isbeddelin inay daahir la isku daahirin karo (maydhasho iyo waysaba ) yihiin.

2.Biyaha ay wax daahir ahi ku darsoomeen sida saabuunta, sacfaraanka iyo daqiiqda ,haddii astaamihii biyood mid ahaan beddelmo , waana daahir sida culimadu isku raacsan yihiin aanse wax daahirinayn sida Maalik,Axmad iyo Shaafici qabaan , wax daahirinaya sida uu Abuu Xaniifa qabo haddii uusan doorsoonku wax ku karsasho ahayn amaba dareeranimadu ka tagin . Xukunkooduna waa daahir wax daahiriya inta ay astaamihii biyo caadi ah leeyihiin siday aniga ila tahay ,waayo dee lama odhan karo biyaha marka casiir(cabitaan) lagu qaso waa cabitaan ,naftuna jeclaysan mayso isticmaalkooda(maydhasho iyo waysaysiba) , sidoo kalana haddii daqiiq lagu qoosho biyo kaba sii daran oo qoosh kuma maydhan kartid.

3-Biyaha is daahirin loo isticmaalay oo culimada qaarkood aanay bannayn isku daahirintooda , sida Mad-habka Shaafici iyo Abuu Xaniifa qabaan , qaarna waa karaahiyo ayay yidhaahdeen in la isku daahiriyo haddii biyo kale la helayo sida Mad-habka Maalik qabo , qaar kalana iyaga iyo biyaha caadiga ahi waa isku mid ayay yidhaahdeen sida Abuu Thawr, Daa'uud iyo asxaabtiisa , Abuu Yuusufna wuu xag tagayoo waaba nijaas ayuu yidhi[Bidaayatul Mujtahid b. 30]. Iyadoo ay sugan tahay in Asxaabtu u kala baratami jireen Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waysadiisa, isla markaana qofka muslinka ahi aanu nijaasoobin sida Xadiiskii laga soo wariyay Abii Hurayra Allaha ka raalli ahaadee inuu yidhi:- Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eeebbe korkiisa ahaataye ayuu kula kulmay dariiqyada Madiina isagoo Jinaabaysan , markaasuu ka dhuuntay (leexday) Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) , dabadeedna intuu soo maydhay ayuu u yimid Nabiga(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) , markaasuu ku yidhi Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) :-(Xaggeed jirtay Abaa Hurayrow) ,markaasuu yidhi(Abii Hurayra):-Waan jinaabaysnaa ,markaa waxaan karaahiyaystay inaan kula fadhiisto aniga oon daahir ahayn, markaasuu Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) yidhi:-(Ilaahay baa nasahan qofka Mu'minka ahi ma nijaasoobo) [Kooxdaa warisay].

Sidaasi darteed waa biyo caadi ah haddii wax baddalay aanu jirin siday aniga ila tahay.

4-Hanbooyinka oo culimadu isku raacsan yihiin daahir ahaanshaha hambooyinka muslimiinta iyo xoolaha la dhaqdo,waxaase khilaaf badani ka jiraa wixii intaa ka soo hadhay , sida hanbada gaalada, bahalaha duurjoogta ah, bisadaha,eyda, haadda iyo wixii la midka ah. Sababta khilaafkaas keentayna waa habka fahamka aayadaha Quraanka ah iyo Xadiisyada laga soo weriyay Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye , sida hadalkii Eebbe korree oo nasahnaaye uu ku yidhi:-(Kuwa xaqa rumeeyayow mushrikiintu (gaaladu) waa nijaas ee yaysan Masaajidka xurmaysan u dhawaanin sanadkan ka dib , haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebbe fadligiisa hadduu doono illayn waa oge falsane) [Suuradda Attawbah: 28]

Oo culimada qaarkood u qaateen nijaas ahaantooda laf ahaaneed , sida aayadda macnaha guud noqonaayo, qaar kalana u qaateen waxay aaminsan yihiin ee aanay laf ahaantooda ahayan. Sayid Saabiq wuxuu ku qorey kitaabkiisa la yidhaahdo (Fiqiga Sunnada):-"Hanbooyinka dadka (Muslin ,gaal , Jinaabe qabe , Caado qabto) waa wada daahir , hadalkiise uu Eebbe korreeye ku yidhi :-(Mushrikiintu (gaaladu) waa nijaas) ujeedadu waa nijaasnimadooda macnawiyeed1 ee la xidhiidha waxyaalaha baadilka ah ee ay rumaysan yihiin iyo iska dhawris la'aantooda qudhunka iyo nijaasaha ee maaha laftooda iyo jidhkooda ayaa nijaas ah".Sidoo kale waa daahir hambada baqlaha,dameeraha ,bahalaha,haadda iyo bisaddu sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Jaabir Allaha ka raalli ahaadee in la waydiiyay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ,(ma ku waysaysan karnaa waxa dameeruhu reebeen ? markaasuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) "Haa, iyo waxay reebeen bahaluhu dhammaantoodba") [Waxaa soo saaray Shaafici,Daarqindi iyo Bayhaqi] . Iyo Xadiiskii laga soo wariyay Kabshatu Bintu Kacab oo Ina Abii Qataada ooridiisa ahayd  inay tidhi:- Abaa Qataada ayaa u soo galay, markaasay biyo u shubtay(uu ku waysaysto) , waxaa u timid bisad biyo doon ah , markaasuu u janjeedhiyay weelkii kana cabtay, waxay tidhi Kabsha (iyadoo hadalkii sii wadata):-Abaa Qataadaa i arkay anigoo eegaya, markaasuu igu yidhi:-Gabadhii walaalkayey  miyaad ila yaabtay , markaan haa ku idhina wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-(Iyadu (Bisaddu) maaha nijaas ee waa kuwo idinku kor wareega (ee lab) iyo kuwa idinku wareega(ee dheddiga, sida shaqaalaha guriga oo kale) ) [Shantaa warisay , Tirmiidina wuxuu yidhi:- Waa Xadiis fiican oo saxiix ah, waxaa kaloo saxay Bukhaari iyo kuwo kale]. Waxaa kaliya oo nijaas ah buu yidhi :-Hambada eyga iyo ta doofaarka, sida uu caddaynayo Xadiiskii ay Bukhaari iyo Muslim ka soo wariyeen Abii Hurayra Allaha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatee uu yidhi:-(Haddii Ey ka cabbo weelka midkiin dhexdiisa , ha maydho(weelkaas) toddoba) . Werinta Axmed iyo Muslimna waxay tahay:-(Daahirinnimada weelka midkiin haddii uu afka la gelo dhexdiisa Ey inuu maydho toddoba jeer , marka u horraysa uu carro ku maydhayo) . Hambada doofaarkase waxaa nijaas ka dhigay qudhunkiisa iyo wasakhdiisa".[b. 21--22]

     Ibnu Rushdina wuxuu ku qoray kitaabkiisa (Bidaayatul Mujtahid..):-Arrintu waa ra'yi ay adag tahay dhan u badintiisu ,sida habboona waa in laga reebo daahirnimada hambooyinka xayawaanka Eyga iyo doofaarka ,iyo  ta gaalka, iyadoo ay sugan tahay raadka ku soo arooray Eyga, iyo iyadoo muuqaalka guud ee Kitaabka(Quraanka) ah oo ay habboon tahay in loo raaco hadalka nijaasnimada lafti ahaaneed ee doofaarka iyo gaalka qiyaas ahaan , iyo sidoo kale muuqaalka guud ee Xadiiska"[b. 33-34].

     Siday aniga ila tahayna waxaa habboon inaan la isku daahirin hambooyinka Eyga iyo doofaarka , ta gaalkuse inay daahir tahay, inagoo u qaadanayna nijaasnimadoodu inay tahay waxa khaldan ee ay rumaysan yihiin ee aysan ahayn laf ahaantooda, waayo Eebbe korreeye wuxuu Quraankiisa ku yidhi:-(Maanta waxaa la idiin xalaaleeyay wanaagyaalka,iyo cuntada kuwii la siiyay kitaabku waa idiin xalaal idinka , cuntadiinuna waa u xalaal iyaga , iyo kuwa dhawrsoon oo mu'minaadka ah  iyo kuwa dhawrsoon ee ka mid ah kuwii la siiyay kitaabka idinka hortiin (waa idiin xalaal guurkoodu) haddii aad siisaan meherkooda idinkoo dhawrsoon, xumaan falayaalna (dhilaystayaalna) ahayn, aan samaysanaynna saaxiibado, ciddii ka gaalawda iimaankana wuu buray camalkiisu (shaqadiisu) wuxuuna ka mid noqon aakhiro kuwa khasaaray ) [Suuradda Al-maa'idah :5] .

Markaa haddii ay nijaas yihiin la inooma banneeyeen cuntooyinkooda iyo xataa inaynu guursanno dumarkooda.

 

 

        Jidhka iyo dharka markay nijaasi gaadho waxaa waajib ah in biyo lagu maydho ilaa laga goynayo nijaastaa, hadday tahay mid la arkayo sida dhiigga, haddii marka la dhaqana uu wax ka gu'i waayay ku hadho dhibaato ma leh , nijaasta aan muuqanna sida kaadida waa la maydhayaa hal marna ha ahaatee .Asmaa Bintu Abii Bakar Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey inay tidhi:-(Naag baa u timid Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo ku tidhi:-Midkayaa toobkeeda waxaa kaga dhacaya dhiigga caadada sidee bay samaynaysaa?. Wuxuu yidhi(Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Jijibi, markaana biyo kula jijibi ,kabacdina maydh ,markaana ku tuko iyada(maradii)) [Waa la isku waafaqsan yahay ]. Haddii nijaasi gaadho dharka dumarka ee dhulka taabanaya ciidda ayaa daahirinaysa,sida la wariyay in naagi ku tidhi Ummu Salamah Ilaahay ha ka raalli ahaadee :-(Waxaan dheeraystaa maradayda hoose e , sidee baan u dul socon karaa meel wasakhaysan (qudhun iyo nijaas leh)?. Markaasay ku tidhi:-Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-(Waxaa daahirinaya wixii ka danbeeya (dhulka iyo ciidda ka danbaysa ee qofka dumarka ahi ku sii dul socoto)) [Waxaa wariyay Axmed iyo Abuu Daa'uud].

 

     Dhulkana waxaa lagaga daahirin karaa nijaasta in biyo lagu shubo ,sida uu inoo caddaynayo Xadiiskii Abuu Hurayrah wariyay  ee ahaa:-(Nin reer baadiye ah ayaa kacay markaasuu Masaajidka ku dhex kaajay , dadkiibaa intay markaas is wada taageen mid kastaa damcay inuu wax ku dhufto, markaasaa Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku yidhi:-(Waar daaya, kuna shuba kaadidiisa dusheeda waadaan biyo ah (buuxda amaba dhiman) , ama waadaan biyo ah (buuxda) , waxaa laydiin soo saaray fudaydiyayaal ee la idiinma soo saarin adkeeyayaale) [Kooxda ayaa warisay Muslim mooyaane].

Sidoo kalana wuxuu daahir ku noqon karaa ingagid , Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxay tidhi:-(Daahirnimada dhulku waa ingagistiisa(qalalistiisa)) [Ibnu Abii Shaybah ayaa wariyay], taasina waa nijaasta socota . Haddayse jimidh (Qaro) leedahay in la tirtiro ama meesha laga qaado ayuu daahir ku noqonayaa dhulku.

Maydhashada(Isdaahirintana) aynu u kala qaadno maydhashada jidhka, kortagga iyo waysaysashada.

 

b-Maydhashada

 

 

     Maydhashadu waa gaadhsiin qofku biyo wada gaadhsiiyo jidhkiisa, iyada oo ay waajib noqonayso marka ay dhawrkan arrimood dhacaan:-

1-Biyo (Mani) ku soo baxa doonis galmoosho, hurdo(junuub) ama soo jeedba, lab ahaayaa amaba dheddigba e , sida uu Eebbe nasahnaa oo korreeye uu innoo caddeeyay yidhina:-(Haddii aad Jinaabaysan tihiinna isdaahiriya (Maydha) ) [Qayb ka mid ah Aayadda 6 ee Suuradda Al-Maa'idah]. Iyo sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Abii Saciid in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Biyuhu biyo ayay ka yimaadaan(Biyo ayaa lagu maydhaa marka ay biyo soo baxaan) ) [Muslin baa wariyay]. Iyo Xadiiskii laga soo wariyay Ummu Salamah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Ummu Sulaym ay tidhi:- Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ) Ilaahay kama xishoodo wixii xaq ahe naagta ma maydhasho ayaa korkeeda ah hadday isku Junuubto?. Markaasuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) :-(Haa , hadday aragto biyo ) . Ummu Salamah ayaa tidhi:- Oo naaguhu ma isku Junuubaan?. Markaasuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Gacantaadu boodhowdaye ,oo haddaa maxaa u ekaysiiya ilmaheeda) [Waa la isku waafaqsan yahay].

     Haddiise aanay biyuhu ku iman doonis galmoosho, hase yeeshee ku soo baxaan xanuun,qabow amabase nabar xoog leh oo ku dhacay dhabarka, maydhasho waajib ku noqonmayso. Inta qofku Jinaabo qabana waxaa ka reebban:-

b-Tukashada Salaadda.

t-Ku negaanshaha Masaajidka , iyadoo dhex mar dani ku jirtaa u bannaan tahay , sida Eebbe korree oo waynaaye uu Quraanka innoogu sheegay yidhina:-(Kuwa (xaqa) rumeeyayow ha u dhawaanina Salaadda idinkoo sakhraansan illaa aad ka garataan waxa aad dhahaysaan  idinkoo jinaabaysanna (ha u dhawaanina) inaad jid gudbaysaan mooyiye illaa aad ka maydhataan) [Suuradda Annisaa'a horraanta aayadda 43]. Iyadoo Ibnu Cabbaas iyo culimo kale ku macneeyeen jid gudubkaas dhexmaridda masaajidka.

j-Taabashada kitaabka Quraanka ah ,qaadistiisa iyo akhrintiisaba, taasoo culimada badankoodu isku raacsan yihiin ,sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Cali Ilaahay ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:-(Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wax ka celin jiray Quraanka ma jirin aan jinaabo ahayn) [Asxaabta Sunantaa warisay Tirmiidi iyo kuwo kalana way saxeen]. Iyo Xadiiskii kale ee isla Cali Ilaahay ha ka raalli ahaadee uu ku yidhi:-(Waxaan arkay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo waysaytay , dabadeedna akhriyay Quraan , markaana yidhi:-(Waa sidaas (sida ay ugu bannaan tahay akhrintiisu) kii aan jinaabo qabin , kii jinaabo qabase maya , xattaa aayadna) [Waxaa wariyay Axmad iyo Abuu Yaclaa oo habkan u wariyay].

Wayse jiraan culimo u bannaysay akhrinta Quraanka qofkii jinaabaysan sida Bukhaari,Dabaraani ,Daa'uud iyo Ibnu Xasam.Bukhaari wuxuu yidhi:-Ibraahim wuxuu yidhi:-Dhib ma leh in Caado qabtadu aayad akhrido , Ibnu Cabbaasna dhib uma arkayn akhrinta Quraanka ee qofka jinaabaysan.

x-Dawaafka (ku wareegista) Kacbada.

2-Labada Gudane(xubnaha taranka) oo isku taga , taasoo ah in labku u galmoodo dheddiga, biyaba yaanay ka imane, sida uu innoo caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Haddii uu dhex fadhiisto (ninku) afarteeda xubnood (naagta) oo uu shaqeeyo (dhaqdhaqaaq galmoosho sameeyo) waxaa ku waajibay maydhasho) [Waa la isku waafaqsan yahay]. Muslim iyo Axmadna waxay ku dareen ;-(Xattaa yaanay biyo ka imaanine).

3-Joogsashada dhiigga Caadada iyo ka dhalmada, taasoo ku cad hadalkii Eebbe korree oo waynaaye uu ku yidhi:-"Waxay ku waydiin Caadada (dhiigga haweenka) ,dheh waa dhib (wasakh) ee ka fogaada dumarka (inaad uga galmootaan) meesha caadada ,hana u dhawaanina (u galmoosho) ilaa ay ka maydhaan (dhiigga) ,markay daahir noqdaanna (maydhaan) uga taga meesha uu idin faray Ilaahay, Ilaahay wuxuu jecel yahay kuwa noqda (danbiyada ka soo noqda) ,wuuna jecel yahay kuwa isdaahiriya) [Suuradda Al Baqarah 222].

Iyo Xadiiskii laga soo wariyay Caa'isha (Hooyadii Mu'mniinta) Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Faadumo Bintu Xubaysh ay ku tidhi Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye :-Waxaan ahay naag dhiigta (dhabar furan leh) daahirna ma noqdo e ma dhaafaa Salaadda?, markaasuu  Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Kaasi waa cirqi ee maaha caado e, markay soo horyeelato caadadu ka tag Salaadda ,markuu tago (dhaafo) waqtigeedu (mudadii dhiigga caadadu socon jiray) iska maydh dhiigga oo tuko) [Waxaa wariyay Bukhaari, Nisaa'i iyo Abuu Daa'uud]. Warin kale oo kooxdu lahayd Ibnu Maajah mooyee waxay ahayd:-(Markay soo horyeelato caadadu daa(dhaaf) Salaadda, markay jeedsatana (tagto) ka maydho dhiigga , tukana). Tirmiidi wuxuu werin kale ku kordhiyay:-(U waysayso Salaad kasta illaa uu ka yimaaddo waqtigaasi) . Werinta Bukhaarina waxay tahay:-(Hase yeeshee daa(dhaaf) Salaadda intii ayaamood ee aad caadoon jirtay oo kale (mudadii ay caadadaadu socon jirtay intii aad caafimaadka qabtay) markaasna maydho oo tuko).

     Dhiigga caadaduna waa mid garasho(aqoon) ay dumarku kaga soocaan dhiigagga kale ,sida laga soo wariyay Curwa in Faadumo Bintu Xubaysh  uu dhiig ka socon jiray(dhabar furan) ,markaasna uu Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi :-(Hadduu dhiig caado yahay waa madaw la yaqaan(dumarku yaqaanaan), markaa hadduu sidaa yahay jooji Salaadda, haddiise uu yahay ku kale(dhiig kale) waysayso oo tuko waa cirqi e)[Waxaa wariyay Abuu Daa'uud iyo Nisaa'i]. Amaba waa mid waqtigiisa dumarku yaqaanaan ,haddiise gabadhu dhabar furan ku qaan gaadho (dhiig socda uun), amaba aanay kala garanaynin dhiigagga , waxaa caado u noqonaya lix ama toddoba casho sida dumarku u badan yihiin, sida laga soo wariyay Xamnah Bintu Jaxash inay tidhi:- Waxaan dhiigi jiray dhiig badan , markaasaan u imid Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye si aan wax uga waydiiyo ugagana warramo, markaasaan ka helay guriga walaashay Saynab Bintu Jaxash, waxay tidhi(Xamnah):-Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) anigu waxaan dhiigaa dhiig aad u badane bal ka warran ? Salaad iyo Soonba ii diidye, markaasuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Waxaan kuu tilmaami lahaa cudbiga ,isagaa kaxeeya(joojiya) dhiigga e). Waxay tidhi (Xamnah):-Ka badan intaa, markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Haddaba maro u samayso). Waxay tidhi(Xamnah):-Ka badan intaa, wuxuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ):-(Haddaba xakamee). Waxay tidhi(Xamnah):-aad buu iiga soo butaacaa, markaasuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Haddaba laba arrimood baan ku farayaa ,kaad samaysaabana ka kale kaaga filan , haddaad labadoodaba kari kartana adaa og),wuxuu ku yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ):-(Kani waa harraati ka mid ah harraatiyada shaydaanka e Caadayso(Caado socosho ka dhigo) lix ama toddoba casho ogaanshaha Ilaahay , markaasna maydho , markaad aragto inaad daahir noqotay nadiifowdayna tuko afar iyo labaatan habeen ama saddex iyo labaatan habeen iyo ayaamahooda, soonna sidaasaa kaaga filane, sidoo kalana samee bil kasta gudaheeda sida dumarku caadaystaan iyo siday isku daahiriyaanba , mudada caadadooda iyo daahirnimadoodaba. Haddiise aad karto inaad dib u dhigto Duhurka aadna soo dadajiso Casarka ,markaana maydhato ,tukatana Duhurkii iyo Casarkiiba dhammaan, isla markaana aad dib u dhigto Maqribka soona dadajiso Cishaa'iga, isla markaana aad maydhato ,aad kulmisana (mar wada tukato) labada Salaadood yeel(samee) , maydhatana Subaxii,tukatana sidaa yeel, tukana ,soonna haddaad sidaa kari karto ). Wuxuu yidhi Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye:-(Kaasaanan jecelahay labada arrin anigu) .[Waxaa wariyay Axmed,Abuu Daa'uud iyo Tirmiidi oo yidhi :-Waa Xadiis fiican oo saxiix ah].

Sida Xadiiska hore ku cadna maydhashadu waa marka ay muddada caadadu dhammaato , inta ka danbaysana kortag oo kale ayaa loo xisaabinayaa , waxaa waajib ku noqonaysa inay Salaad kasta u waysaysato.

     Dhiigga caadaduna muddada socodkiisu ugu yaraansho iyo ugu badnaanshoba qiyaas go'an ma leh ,waayo Aayadda Quraanka ah kuma sugna, inkastoo Fiqhi yaqaanadu ku kala tagsan yihiin muddadiisa, iyadoo Abuu Xaniifa yidhi:-Waxaa ugu yar saddex casho waxaana ugu badan toban casho.Axmad iyo Shaaficina waxay yidhaahdeen:-Waxaa ugu yar habeen iyo maalin waxaana ugu badan shan iyo toban casho .Maalik sida u caanka ah wuxuu yidhi:-Ma leh waqti ugu yar ama ugu badanba ee waa kolba sida dumarku ka caado yeeshaan.

Sidoo kalana ma laha muddo go'an oo ah badnaansho u dhaxayn karta daahir ahaanta labada caado helistooda,sida culimadu isku raaceen , inskatoy ku kala tageen muddada ugu yar.

     Dhiigga dhalmaduna waa dhiigga ku yimaadda dhalmo,haba ahaado dhicise, mana laha muddo ugu yar oo laga qiyaas qaadan karo, haddii qofka dumarka ahi marka ay dhashaba uu ka joogsado , amaba dhasho iyadoon dhiig ka danbayn ,waxaa ku waajib noqonaaya samaynta wax kasta oo ay sameeyaan dumarka daahirka ah. Muddada ugu badan ee uu socdaase waa afartan casho, sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Ummu Salamah Ilaahay ha ka raalli ahaadee inay tidhi:-(Waxay ummuluha (hela dhiiga dhalmadu) fadhin jireen waagii Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye afartan casho) [Shantaa warisay Nisaa'i mooyaane].Tirmiidi wuxuu xadiiskaas kaddib yidhi:-Waxay isku raaceen dadkii aqoonta lahaa ee ka mid ahaa Asxaabtii Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye,raacayaashii iyo kuwii sii raacayba in ummuluhu ay daayaan Salaadda afartan casho, inay aragto daahirnimo muddadaa ka hor mooyaane , markaas way maydhanaysaa , wayna tukanaysaa .

Afartanka hadduu dhaafana sida culimada badankoodu qabaan Salaadda u dayn mayso e xukunka dhabarfuranka ayuu yeelanayaa.

     Muddada dhiigga caadada iyo dhiigga dhalmadu socdaanna waxaa qofka dumarka ah ka reebban waxa qofka jinaabaysan ka reebban ee aynu kor ku soo aragnay , waxaase u dheer:-

b-Soonka oo aan u bannaanayn qofka dumarka ah ee caadada ama dhiigga dhalmadu ka socdo, haddii ay soontana nafteeda uunbay dhibtay, dib bayna ka gudaysaa(qalaynaysaa) intii ayaamood ee bisha Soon dhaaftay(ka jabnayd) ,Sida laga soo wariyay In Mucaadah ay tidhi:- Waxaan waydiiyay Caa'isha(Ilaahay ha ka raalli ahaadee) oon ku idhi:-Maxay caado qabtadu u guddaa Soonka oo aanay u gudayn Salaadda?. Waxay tidhi(Caa'isha):-(Waxaa nagu dhici jirtay taas(caado),anagoo Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye la socona ,markaasaa nala fari jiray gudista Soonka, nalamana fari jirin gudista Salaadda) [Kooxdaa warisay].

t-U galmooshada, oo aan bannaanayn inta ay labada dhiig qabaan in ninkoodu u galmoodo, sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Anas Binu Maalik in aanay Yuhuuddu marka naag ka mid ahi ay caadooto wax la cuni jirin, guryahana la joogi jirin , markaasay Asxaabtii Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wax ka waydiiyeen , markaasuu Eebbe korreeye soo dajiyay:- (Waxay ku waydiin Caadada (dhiigga haweenka),dheh waa dhib (wasakh) ee ka fogaada dumarka (inaad uga galmootaan) meesha caadada , hana u dhawaanina (u galmoosho) ilaa ay ka maydhaan (dhiigga) ,markay daahir noqdaanna (maydhaan) uga taga meesha uu idin faray Ilaahay, Ilaahay wuxuu jecel yahay kuwa noqda (danbiyada ka soo noqda), wuuna jecel yahay kuwa isdaahiriya) [Suuradda Al Baqarah 222]. Markaasuu Rasuulkii Ilaahay naxariis iyonabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Sameeya wax kasta oo aan naagaysasho(u galmoosho) ahayn) , ereyo kalana ku ahaa:-(Aan ka ahayn galmoosho) [Kooxdaa warisay Bukhaari mooyaane].

Ninka xaalashada inuu xaaskiisa u galmoodo wuu ku gaaloobayaa , ka aqoon la'aani u gaysana gaf kuma aha , ka u kasana toobad keen baa la gudboon, iyadoo ay habboon tahay in qofka dumarka ahi aany ka oggolaan saygeeda(ninkeeda) inaanu u galmoon. Wixii galmoosho ka soo hadha  ninka iyo xaaskiisu way isku raaxaysan karaan sida culimadu isku raacsan yihiin.

     Waxaase xukun gaar ah yeelanaysa qofka dumarka ah ee dhabarfuranka qabta oo marka caado tirsigeedu dhammaado, dhiiggu haba sii socdee xukunka dumarka daahirka ah yeelanaysa , Salaadda tukanaysa,Soomaysa,Quraanka akhrin karta , kitaabka Quraanka ah taaban karta,qaadina karta , cibaadooyinkoo dhanna samayn karta, sidoo kalana ninkeedu wuu u galmoon karaa.

4-Maydka qofka muslinka ah oo ay waajib tahay maydhistiisa la maydhayo sida culimada badankoodu qabaan  qofka shahiidka ah mooyaane ,iyadoo la raacayo amarkii Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye.

5-Muslin noqoshada gaalka,taasoo waajib ku noqonaysa qofka gaalka ahi marka uu muslimo sida ka muuqata Xadiiskii Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga soo wariyay in Sumaarata Al-Xanafi uu muslimay ,markaasuu Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi :(Geeya bustaanka (beerta) ina hebel amrana inuu maydho) [Axmad baa wariyay]. Inkastoo culimada qaarkood yidhaahdeen wuxuu maydhanayaa haddii uu jinaabo qabo, hadduusan jinaabo qabina way fiican tahay maydhashadu , waysaysi baana ku filan.Waxaa kaloo jira marar ay fiican tahay in qofka muslinka ahi maydho , waxaana ka mid ah:-

1-Maydhashada maalinta Jimcaha ah , sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Ina Cumar Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Haddii midkiin yimaaddo(u soo kaco) xagga Jimcada ha maydho) [Kooxdaa warisay].

Warin Muslim lahaana waxay ahayd:-(Haddii midkiin doono inuu yimaaddo Jimcada ha maydho) .Iyo Xadiiska kale ee laga soo wariyay Abii Saciid Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Maydhashada Jimcuhu waajib bay ku tahay mid kasta oo qaangaadh ah , iyo inuu soo taabto(isku soo shubo) uduga(cadar) uu heli karo) [Bukhaari iyo Muslim baa wariyay].

Haddaba labadaas Xadiis iyo kuwo kale oo laga soo wariyay Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inkastoo ay jiraan haddana culimada badankoodu waxay isku raaceen in maydhashada maalinta Jimce ay fiican tahay qofkii ka tagana aanu danbi fuulayn waayo maadaama ay tahay maalintii boqorka ayaamaha, dadka muslimiintuna meel iskugu imanayaan waxaa fiican in qofku soo maydho ,cadar isku soo shubo , dhar fiicanna soo qaato si ugu yaraan muslimiinta uu u farax galiyo, iyadoo fiicnaanta maydhashada uu innoo caddaynayo Xadiiskii Abii Hurayra laga soo wariyay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ka waysaysta, wanaajiya waysada,kabacdina yimaadda Jimcada,dhagaysta,dhuuxana(khudabadda) ,waa loo dambi dhaafaa inta u dhaxaysa Jimce ilaa Jimce iyo dheeri saddex cisho ah) [Muslim baa wariyay].

2-Maydhashada labada ciidood oo culimadu jeclaysteen maydhashada labada ciidood (ciidda Soonfur iyo ciidda Arrafo).

3-Maydhashada qofka mayd maydha , sida Xadiiskii laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ka maydha mayd  ha maydho , ka qaadaana ha waysaysto) [Waxaa wariyay Axmad iyo Asxaabta Sunanta]. Inkasta oo aqoonyahanada werinta Xadiisyadu ay farta ku godeen daciifiyeenna , qaarbaa wanaajiyay sida Alxaafid Binu Xajar oo yidhi xaaladdiisa ugu shishaysaa waa haddii wanaagsanaan lagu tilmaamo Xadiiskaas.Taasoo sida culimadu u badan yihiin maydhashadaasi tahay mid fiican ee aan waajib ahayn.

4-Maydhashada marka la Xarmanayo (niyaysashada Xajka ama Cumraysiga) , marka la galayo Maka iyo marka la joogsanayo Carrafa, sida la soo wariyay in (Ina Cumar aanu geli jirin Maka habeenimo una hooyan jiray meesha la yidhaahdo Dii Duwaa ilaa uu ka waabariisto maydhana, markaasuu gali jirey maalinimo, waxaanu odhan jiray Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa samayn jiray sidaas)[Muslim iyo Bukhaari ayaa wariyay ereyadana Muslim baa leh]. Maalikna wuxuu kitaabka Mooda' ku wariyay in Naafic uu yidhi:-(Cabdillaahi Binu Cumar Ilaahay ha ka raalli ahaadee wuu u maydhan jiray Xarmashadiisa intaanu Xarman ka hor iyo Maka gelitaankeeda iyo joogsigiisa subaxa Carrafo).

 

                            Habka maydhashada

 

        Marka uu doonayo qofku inuu maydho waa inuu niyoodaa maydhashada, isla markaana jidhkiisa wada gaadhsiiyaa biyaha iyadoo ay fiican tahay inuu raaco habkii uu u maydhan jiray Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye,taasoo ah inuu marka hore maydho gacmihiisa saddex jeer , kaddibna uu bidixdiisa ku maydho buuryadiisa, isagoo markaas waysaysanaya waysaysigii Salaadda oo kale lugaha maydhistoodana dib u dhigaya,markaas kaddibna madixiisa biyo ku shubaya isagoo gacmihiisa timaha salkooda gaadhsiinaya,kaddibna saddex dhuub madixiisa ku shubaya, markaas kabacdina jidhkiisa kale biyaha wada gaadhsiinaya, ugu danbayntana lugihiisa maydhaya , sida uu innoo caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Caa'isha(hooyadii mu'miniinta) Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxarriis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye marka uu doonayo inuu ka maydho Jinaabo wuxuu ku bilaabi jiray maydhista labada gacmood, markaasuu midigtiisa ugu dhaamin jiray bidixdiisa ,maydhina jiray buuryadiisa, markaasuu waysaysan jiray waysaysigiisa Salaadda oo kale, markaasuu intuu biyo qaado farihiisa galin jiray timaha salkooda , markuu arko in biyuhu gaadheen jidhka(haragga) ayuu saddex dhuub(sacabka muggii) madaxiisa ku shubi jiray , markaasuu biyaha dul yaacin(shubi) jiray jidhkiisa kale, markaasuu maydhi jiray lugihiisa)[Muslim iyo Bukhaari baa wariyay].

Iyo Xadiiskii kale ee la soo wariyay in Maymuuna(hooyadii mu'miniinta) Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay tidhi:-(Waxaan u dhigay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye biyo uu ku maydho ,markaasuu gacmihiisa ku shubay oo maydhay laba jeer ama saddex , markaasuu midigtiisa ugu shubay bidixdiisa maydhayna buuryadiisa, markaasuu ku jijibiyay gacantiisa dhulka, markaasuu luqluqday oo sandaartay , markaasuu maydhay wajigiisa iyo gacmihiisa, markaasuu maydhay madixiisa saddex jeer, markaasuu ku shubay(gaadhsiiyay) biyo jidhkiisa,markaasuu ka leexday meeshuu taagnaa , lugihiisana maydhay . Waxay tidhi(Maymuunah):-Markaasaan u keenay tuwaal(shukumaan),ma uusan doonin , markaasuu biyihii gacantiisa isaga jijibiyay )[Kooxdaa warisay Axmed iyo Tirmiidise kumay warin jijibinta gacanta].

     Maydhashada haweenkuna waa la mid taas, iyadoo haddii ay timaheedu daban(tidcan) yihiin isku dayaysa inay gaadhsiiso biyaha timaha salkooda iyadoon iska furfurayn dabniinkeeda, sida uu innoo caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay in Ummu Salamah ay tidhi:-Waxaan idhi Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) waxaan ahay haweenay adkaysa dabniinka madaxeeda(timaheeda), markaa ma u furfurayaa maydhashada Jinaabada?. Wuxuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Maya,waxaa kaa kafaynaya inaad ku shubto madaxaaga korkiisa saddex shubmo(dhuub),markaana aad biyo korkaaga ku shubto (jidhka intiisa kale) oo aad is daahiriso)[Kooxdaa warisay Bukhaari mooyaane].

Iyo warinta laga soo wariyay Cubayd Binu Caamir inuu yidhi:-Caa'isha(Ilaahay ha ka raalli ahaadee) waxaa soo gaadhay in Cabdillaahi Binu Cumar uu dumarka faro inay furfuraan dabniinka timahooda marka ay maydhanayaan, markaasay tidhi waa la yaab Ina Cumar marka uu farayo dumarku inay furfuraan dabniinkooda markay maydhanayaan , oo miyuu faro inay xiiraan madaxyadooda haddaba. Waxaan ku wada maydhan jirnay aniga iyo Rasuulkii Ilaahay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) weel qudha, kamana kordhin jirin inaan ku shubo madaxayga korkiisa saddex dhuub)[Axmed iyo Muslim baa wariyay].

Waxaana fiican marka haweenaydu ka maydhanayso dhiigga caadada iyo ka dhalmadaba inay raadka dhiigga ku nadiifiso cudbi ay udgisay(cadar ku shubtay),si ay urta xumi u baaba'do sida uu innoo cadaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Caa'isha (Ilaahay ha ka raalli ahaadee) in haweenay Ansaarta(1) ka mid ahi ay waydiisay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ka maydhashadeeda caadada (sida ay uga maydhanayso), markaasuu faray sidii ay u maydhan lahayd kuna yidhi:-(Qaado in cudbi ah oo udugsan(cadar leh) iskuna nadiifi(daahiri) iyada).Makaasay tidhi(haweenaydii):-oo sideen isugu nadiifiyaa.Markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Subxaanallaah (Ilaahay baa nasahan) e,isku nadiifi iyada) .(Caa'ishaa tidhi):-Markaasaan xaggayga u soo gundhiyay(jiiday) oon ku idhi la raac raadka dhiigga)[Kooxdaa warisay Tirmiidi mooyaane].

 

 

1-Ansaartu waa dadkii reer Madiina ee u gargaaray Diinta Ilaahay, Rasuulkiisana gargaaray iyagoo intii aanu Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye u guurin Madiina laba heshiis kula galay inay waxay naftooda iyo caruurtooda ka difaacaan ay ka difaaci doonaan Rasuulkiisa.

 

 

 

Kortagga

 

Marka uu qofku u kortagayo meel bannaan amaba galayo baytalmay(musqul) waxaa fiican inuu arrimahan sameeyo:-

b-Haddii uu bannaan u kortagayo inuu la dheeraado isla markaana bidixdiisa horraysiiyo haddii uu musqul galayo, isla markaana uu Ilaahay ka magan galo shaydaanka lab iyo kiisa dhaddigba (isagoo bannaanka markuu u kortagayana Ilaahay magan galaya markuu faydanayo), sida ku cad Xadiiskii laga soo wariyay Anas Binu Maalik Ilaahay ha ka raalli ahadee in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye markuu musqul galayo uu dhihi jiray:-(Bismillaahi Allaahumma innii acuudu bika minal khubuthi walkhabaa'ith (Magaca Ilaahay baan ku bilaabay, Ilaahayow waxaan kaa magan galay adiga, lababka xunxun (shaydaamada lab) iyo dhaddigyada xunxun (shaydaamada dhaddig))[Kooxdaa warisay].

Iyadoo uu qofku iska ilaalinayo wax magac Eebbe ku qoran yahay inuu u baqayo mooyaane.

t-Inuu qaddariyo qiblada , iyadoo uu qofku iska ilaalinayo inuu xaggeeda u jeedsado ama dhabarkaba u jeediyo ,taasoo xaaraan noqonaysa marka uu meel bannaan u kortagayo, musqushase ay u bannaanaanayso u jeedsiga Qiblada ama ka jeedsigeeduba(dhabar u jeedinta), taasoo ay innoo caddaynayaan dhawrkan Xadiis , oo ka hore laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Haddii midkiin u fadhiisto kortag, yaanu u jeedsan Qiblada, dhabarkana yuusan u jeedin)[Axmed iyo Muslim baa wariyay].

Iyo warinta kale ee laga soo wariyay Ina Cumar Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e inuu yidhi:-Maalin baan fuulay guriga Xafsah (hooyadii mu'miniinta oo ay walaalo ahaayeen), markaasaan arkay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo kortagay(kortag u fadhiya) xagga Shaamna u jeeda, dhabarkana u jeediyay Kacbada)[Kooxdaa warisay]

Iyo warintii kale ee laga soo wariyay Jaabir Binu Cabdillaahi Ilaahay ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:-Wuu reebay Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inaan Qiblada ula jeedsanno kaadi, markaasaan arkay sanad ka hor intaan la oofsan isagooo u jeedsanaya(Qiblada) ) [Shantaa warisay Nisaa'i mooyaane].

Iyo warintii kale ee la soo wariyay in Marwaan Al-Asfar uu yidhi:- Waxaan arkay Ina Cumar oo fadhiisiiyay hashiisii isagoo xagga Qiblada ula jeedsanaya kaadi ,markaasaan ku idhi Cabdiraxmaan aabihiiyow miyaan sidan laynaga reebin ?.Markaasuu yidhi:- Haa , waxaa sidan laynagaga reebay bannaanka , markaa adiga iyo Qiblada haddii wax idiin dhexeeyaan dhibaato ma leh(ujeedsigeedu)) [Abuu Daa'uud baa wariyay].

Markaan Xadiisyadaas iyo warimahaas kaleba u fiirsanno waxaan ka garan karnaa inay  habboon tahay in qofka muslinka ahi uu qaddariyo Qiblada uu Salaadda u jeedsado marka uu tukanayo.

j-Inuu iska ilaaliyo hadalka inta uu kortagga ku maqan yahay ama musqusha ku jiraba, haddii aanay jirin baahi ku xanbaaraysa hadalkaasi.

x-Inuu iska ilaaliyo qofka kortagayaa meel dirri ah inuu ku kaajo,ama godba uu ku dhex kaajo ,taasoo dhibaato u keenaysa bahalaha ama noolaha kale ee ku jira.

kh-Inuu iska ilaaliyo inuu u kortago meelaha biyo fadhiisimada ah,waddooyinka dadku maraan,meelaha dadku hadhsadaan iyo xamaamka uu ku maydhanayo,sida ay innoo caddaynayaan Xadiisyadan:- Xadiiskii laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Yuusan ku dul kaajin midkiin biyaha fadhiya ee aan qulqulayn dhexdooda , isagoo isla markaana ku dhex maydhanaaya) [Kooxdaa warisay ,waana habkii uu Bukhaari u soo wariyay].

Taasoo innagoon badni iyo yaraansho u eegin biyaha ay qaabdarro tahay biyo aad kollay u baahanayso ku dul kaadi ama ku dhex saxaroo ,kaasoo kaba sii daran kaadida  (Ka eeg faahfaahintooda cutubka biyaha) .

Iyo Xadiiskii kale ee laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ka baqa labada lacnadood (keena sababta laysku lacnado(baryid loo baryo ka fogaansho naxariista Eebbe))) .Waxay yidhaahdeen(Asaxaabtii Ilaahay ha ka raalli ahaadee) oo waa maxay labada lacnadood Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye)?. Markaasuu yidhi:-(Waa ka ku saxarooda marinka (jidka) dadka ama hadhkooda dhexdiisa (meesha ay hadhsadaan dadku marka ay safarka ku jiraan amaba ku nastaan) )[Waxaa wariyay Axmed.Muslim iyo Abuu Daa'uud].

Iyo Xadiiskii laga soo wariyay Cabdillaahi Binu Muqaffal Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Midkiinna yuusan ku kaajin xamaamkiisa dhexdiisa,isagoo isla markaana ku dhex waysaysanaya, waswaaska guud baa xagiisa ahe)[Shantaa warisay].

d-Inuu iska ilaaliyo sarajoog ku kaadinta, siiba haddii uusan duulduulka kaadida ka badbaadayn, waayo kaadida oodan iska dhawrini cidhib xumo danbe ayay leedahay ,sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Ina Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu soo ag maray laba qabri oo uu yidhi:-(Waa la cadaabayaa,wax waynna(badanna) laguma cadaabayo e,midkood wuxuu ahaa mid aan iska dhawrin (iska nadiifinin) kaadida , ka kalana wuxuu u socon jiray diradiraalanimo)[Kooxdaa warisay]. hadiise uu ka badbaadayo inay kaadi gaadho ,way u bannaan tahay inuu sarajoog ku kaajo, waayo labada arrimoodba way ka sugnaatay Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye.

r-Inuu iskaga tirtiro kaadida iyo saxarada dhagax ama wax kasta oo la iskaga tirtiro ,sida waraaqaha waqtiyadan danbe loogu talo galay musqulaha, isaga oo iska ilaalinaya wixii lafo ,saalo ama digaba ah , daahirin aanay ku daahirinayn darteed ama Rasuulka Ilaahay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha ahaatee) oo Xadiis innoogu caddeeyay in cunto Ilaahay uga dhigayo Jinka muslinka ah iyo xoolahooda. Sidoo kalana iskaga maydhaya biyo ,iyadoo ay fiican tahay inuu is raaciyo biyaha iyo waxa kale ee uu iskaga tirtirayo, isagoo isla markaana iska ilaalinaya inuu ku istijoodo(isku nafiidiyo) gacantiisa midig,sida ku cad Xadiisyadan:- Ka hore Xadiiskii la soo wariyay in Cabdiraxmaan Binu Yasiid uu yidhi:- Salmaan (Salmaanal Faarisi) Ilaahay ha ka raalli ahaadee baa lagu yidhi:-Wuxuu idin baray Nabigiinnu(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye)wax walba xattaa sida loo saxaroodo, markaasuu Salmaan yidhi:-(Haa,wuxuu naga reebay inaan ula jeedsanno Qiblada saxaro iyo kaadi ,ama aan ku istijoonno midigta,ama uu midkayaba ku istijoodo wax ka yar saddex dhagax,amaba uu ku istijoodo saalo(digo) ama lafba)[Waxaa wariyay Muslim,Abuu Daa'uud iyo Tirmiidi].

Iyo Xadiiskii kale ee laga soo wariyay Anas Binu Maalik Ilaahay ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:-(Markuu galo Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkoosa ahaataye) musqusha, ayaan u qaadi jirey aniga iyo wiil kuraya oo hilaadahayga ah(da'dayda ah) weel yar(sida kildhi oo kale) oo biyo ku jiraan iyo ul(madaxyo leh),markaasuu ku istijoon jiray biyaha)[Waa la isku waafaqsan yahay].

s-Inuu gacantiisa ku jijibiyo dhulka ama uu saabuun ku maydho si ay uga go'do urtii ku dhagtay.

sh-inuu soo hor bixiyo markuu masqusha ka soo baxayo lugtiisa midig,isagoo odhanaya "Qufraanak" oo la micno ah "Ilaahayow danbidhaafkaagaan ku waydiistay", sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Caa'isha(Ilaahay ha ka raalli ahaadee) inay tidhi:-(Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) markuu musqul ka soo baxo wuxuu odhan jiray "Qufraanak") [Shantaa warisay Nisaa'i mooyaane].Waysaysiga

 Waysaysigu waa is daahirin(isku maydhid) biyo lagu maydhayo wajiga ,labada gacmood,madaxa(la masaxayo) iyo labada lugood. Waxayna ku sugnaatay Kitaabka Quraanka ah, Jidayntii(Sunnadii) Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye iyo isku raacista dadka muslimiinta ahi isku raaceen facbana fac u soo dhiibayay laga soo billaabo facii ugu khayrka badnaa ee Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye qabadsiiyay habka waysaysigaas.

     Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-(Kuwa (xaqa) rumeeyayow haddaad u kacdaan Salaadda maydha wajiyadiinna iyo gacmihiinna ilaa suxulada (jiqilada), masaxana madixiinna iyo lugihiinana (maydha) ilaa kuraamaha (anqawyada), haddaad Jinaabo qabtaanna isdaahiriya, haddaad buktaanna ama safar tihiin ama ka yimaaddo midkiin kortag ama taabataan dumar, oydaan helin biyo, ku gabagabaysta dhul fiican(daahira), kuna masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna , idinlama doonayo Eebbe inuu idin yeelo korkiinna dhib, wuxuuse dooni inuu idin daahiriyo , idiinna dhammaystiro nimcadiisa korkiinna ah ,inaad mahadnaqdaan darteed) [Suuradda Al-Maa'idah 6].

     Rasuulkeennuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiiisa ahaataye wuxuu innoo caddeeyay in Salaaddu aanay ansaxmayn wayso la'aan , sida uu caddaynayo  Xadiiskii Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee uu soo wariyay in Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ma aqbalo (ajar kama siiyo) Ilaahay Salaadda midkiin hadduu kortago illaa uu ka waysaysto) [Waxaa wariyay labada Sheekh(Muslim iyo Bukhaari) ,Abuu Daa'uud iyo Tirmiidi].                    

      Waysaysashaduna waxay leedahay falal qasab (farad) ah samayntoodu iyo kuwo jidayn(Sunno) ah.Sida Quraanka ku suganna falalka faradka waysaysashadu waa afar:-

1-Maydhista wajiga.

2-Maydhista gacmaha ilaa suxulada.

3-Masaxaadda madaxa (dhammaan ama badhba) .

4-Maydhista labada lugood ilaa kuraamaha (anqawyada).

 

     Hormoodada Mad-habuhuse way ku kala tagsan yihiin falal qasabeedka(faradka) waysaysiga. Xanafiyadu waxay qabtaa faradka waysaysashadu waa afartaas aynu soo sheegnay ,inkastoy yidhaahdeen masaxaadda maduxu waa rubuc (madaxa rubucii). Maalikiyaduna waxay yidhaahdeen waa toddoba iyagoo afartaas ku kordhiyay , niyaysi lagu bilaabayo waysaysiga, iyagoo masaxaadda madaxana yidhi madaxa oo dhan ayaa la masaxayaa, waxay kaloo ku kordhiyeen xidhiidhin iyo jijibinta(duugista) xubanaha.Shaaficiyaduna waxay qabtaa faradka waysaysigu waa lix ,iyagoo afartaas kore ku kordhiyay niyaysi lagu billaabayo waysaysashada , iyagoo masaxaadda madaxana yidhi qayb madaxa ka mid ah haba yaraatee ayaa ku filan, waxay kaloo ku kordhiyeen isku xijisiin siday u kala horreeyaan ah .Xanbaliyaduna waxay qabtaa faradka waysaysashadu waa lix iyagoo afartaas kore ku kordhiyay isku xijisiin iyo xidhiidhin.[Fiqhiga afarta 1/51-59].

 

     Siday aniga ila tahayna falalka faradka (tiirarka) waysaysiga oo aanay la'aantood waysaysigu sax noqonayni waa:-

1-Niyaysi ah in qofku qalbiga gashado fal waysaysasho uu ula jeedo inuu Eebbe korree oo nasahnaaye raalli ahaanshihiisa ku helo iyo u hoggaansanka amaradiisa ,iyadoo Eebbe korreeye uu Quraanka ku yidhi:-(Dadkana waxaan Eebbe Caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u keli yeelaya Eebbe diinta).Iyadoo isla markaana uu Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Falalku waa niyaysi , qof walbana wuxuu niyaystuu leeyahay...) [Waa qayb ka mid ah Xadiis dheer oo Cumar Binu Khaddaab Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga soo wariyay kooxduna warisay]. Niyaysiguna waa doonis qalbiyeed aan odhaah dhihis ahayn,waayo salku waa qalbiga.

2-Maydhista wajiga oo dherer ahaan ka bilawda foodda (foolka korkiisa meesha timuhu ka bilawdaan) ilaa gadhka hoostiisa(salka lafta gadhka), baladh ahaanna ah dheg ilaa dheg (xaydha dhegta ilaa xaydha dhegta kale), hal mar.

3-Maydhista gacmaha ilaa suxulada(Jiqilada), iyadoo suxulada la raacinayo sida hanuunkii Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eeebbe korkiisa ahaataye ahaa.

4-Masaxaadda madaxa (dhammaan ama badhba), sida ila fiicanna ay tahay in dhamaan la masaxo.

5-Maydhista lugaha ilaa kuraamaha(anqawyada), taasoo ah fal ka sugnaaday Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye.

6-Isku xijisiin ah in la iskugu xijisiiyo sida Aayadda Quraanka ahi iskugu xijisiisay, sida ka sugnaatay Rasuulkii Eebbe naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye mar uu ku wareegayay(dawaafayay) Kacbada inuu ka soo baxay Albaabka Safa isagoo akhriyaya hadalkii uu Eebbe korreeye ku yidhi:-(Safo iyo Marwo waxay ka mid yihiin calaamooyinka (waynaynta) Eebbe) .Markaasuu yidhi (Rasuulkii Eebbe naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Waxaan ku bilaabayaa waxa uu Eebbe ku bilaabay) [Habkaas Muslim baa u wariyay]. Hab uu Nisaa'i u wariyayna wuxuu ahaa:-(Ku bilaaba waxa uu Eebbe ku bilaabay) [Taasoo ah amar,cuskashadiisu(Sanadkiisuna) waa saxiix],waxay ku tusinaysaa waajib ahaanshaha ku bilaabidda waxa uu Eebbe korreeye ku bilaabay ,taasoo macna ahaan tusinaysa isku xijisiinta sharci ahaaneed . Eebbaana og"-Tafsiirka Quraanka Ibnu kasiir 2/25) .Isku xijisiintanina taas unbay la mid tahay .

 

                    Jidaynta(Sunnada) Waysaysashada

 

Sunnada waysaysashadu waa hadal ama fal ka soo arooray Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye , ayna fiican tahay in qofka waysaysanayaa uu ku dadaallo samayntooda si uu u helo abaalmarinteeda ku dayasho ahaaneed ee uu ku dayanayo Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye .Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-(Waxaa idiinku sugan Rasuulka Eebbe ku dayasho wanaagsan, ruuxii rajaynaya Eebbe iyo maalinta danbe (Aakhiro) ,Eebbena xusa in badan) [Suuradda Al-Axsaab 21] .

Waxaynuna ku soo ururin karnaa:-

1-Bisinka oo lagu billaabo ,inkastoo Xadiisyada ku soo arooray ay taagdaran(daciif) yihiin,hase yeeshee waa arrin aad u wanaagsan in wax kasta oo addoonku qabanayo uu Eebbe magaciisa ku bilaabo.

2,3,4,5-Maydhista cumaancumaha (gacanta inteeda hore), luqluqasho, sandaarasho(biyo sanka laga qaato lagana soo celiyo) iyo saddexayn(saddex saddex jeer laga dhigo samaynta), iyadoo taas uu innoo caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Cismaan Binu Caffaan Ilaahay ha ka raalli ahaadee in biyo uu ku waysaysto uu codsaday, markii loo keenayna cumaancumihiisa ayuu  saddex goor ku shubtay kuna maydhay , markaasuu intuu midigtiisa weelka galiyay ayuu luqluqday,oo sandaartay biyihiina sanka ka soo celiyay , markaasna wajigiisa ayuu saddex jeer maydhay , labadiisa gacmoodna ilaa xusulada saddex jeer maydhay, markaasuu haddana madaxa masaxay, kadibna lugihiisa ilaa kuraamaha maydhay markaasuu yidhi:- Waxaan arkay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo u waysaystay sida aan hadda u waysaystay, markaasna yidhi:-(Ka u waysaysta sidaa aan u waysaystay , markaasna tukada laba Rakcadood, isagoon naftiisa u sheekaynayn, Ilaahay wuxuu u danbi dhaafaa wixii danbi ah ee uu hormarsaday) [Waa la isku waafaqsan yahay].

Iyadoo isla markaana ka sugnaatay Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inuu waysaystay hal hal mar iyo laba laba jeerba , ciddii saddex ka badisana ay xadgudubtay,sida ku cad Xadiiskii Camar Binu Shucayb uu aabihii ka soo wariyay ,aabihiina awowgii ka soo wariyay in nin reer baadiye ahi uu u yimid Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, isagoo waydiinaya waysaysiga, markaasuu tusiyay saddex saddex jeer, kuna yidhi:-( waa kaas waysaysigu ,ka intaa ka kordhiyaana wuu xumeeyey , wuuna gabood falay ,wuuna dulmiyay) [Waxaa wariyay Axmad,Annisaa'i iyo Ibnu Maajah].

Sheekh Muxyaddiin Annawawi wuxuu yidhi:-Muslimiintu waxay isku raaceen in waajibka maydhitaanka xubnuhu uu hal mar yahay , saddex saddex jeerna ay Sunno tahay , iyadoo Xadiisyada Saxiixa ahi sheegayaan mar mar , laba labo iyo saddex saddexba.Iyadoo xubnaha badhkood saddex jeer yihiin badhkoodna laba jeer, khilaafkaasina uu caddayn u yahay bannaanaanta dhammidoodba, saddexduna ay sida u dhammaystiran tahay ,halkuna kaaga filan yahay.

6-Biyo gaadhsiin gadhka iyo faraha dhexdooda, iyo duugista xubnaha u baahan sida ku cad Xadiis laga soo wariyay Cusmaan Binu Cafaan Ilaahay ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:-(In Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu gadhka biyo ku qoyn jirey)[Waxaa wariyay Ibnu Maajah iyo Tirmiidi oo saxay]. Iyo Xadiiskii Ibnu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e uu ku yidhi:-Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-(Haddaad waysaysanayso gali(biyo gaadhsii) faraha gacmahaaga iyo lugahaaga)[Waxaa wariyay Axmed, Tirmiidi iyo Ibnu Maajah].

Iyo Xadiiskii uu soo wariyay Cabdullaahi Binu Sayd Binu Caasim Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu waysaystay yidhina:-(Sidaasaa loo duugaa (xubnaha biyaha loogu maydhaa iyadoo gacanta lala marinayo)) [Axmed baa wariyay].

7-Masaxaadda dhegaha, sida uu tilmaamayo Xadiiskii Ibnu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e, isagoo tilmaamaya waysaysashadii Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye kuna yidhi:-(Markaasuu masaxay madaxa iyo dhegihiisa masaxaad qudha)[Axmed iyo Abuu Daa'uud baa wariyay]. Warin kalaa ahayd:-(Wuxuu masaxay madixiisa iyo dhegihiisa iyo gudahooda(isagoo ku masaxaya) murdisooyinka, korkoodana suulashiisa).

8-Midigaysiga oo ah inuu maydhista midigta ku billaabo(lugaha iyo gacmahaba).Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxay tidhi:-(Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu jeclaa midigaysiga(midig hormarinta) kaba gashiga,feedhashada, isdaahirinta(maydhasho iyo waysaysiba), iyo arrimihiisa oo dhanba)[waa la isku waafaqsan yahay].

9-Dheeraysashada dhafoor iyo qoobab caddaanta oo ah tilmaan uu Rasuulka Ilaahay ku tilmaamay umaddiisa, taasoo ah in caddaantaasi ay nuur ugu tahay raadkii waysaysiga ummaddiisa maalinta Qiyaamada , ummadahana ay kaga soocan yihiin, fal ahaanna ah in addoonku in dheeri ah maydho wejigiisa iyo lugihiisa oo ka dheer intii waajib ahaan ay ahayd inuu maydho , isagoo wajiga raacinaya in madaxa hore ah, lugahana gaadhsiinaya ilaa dhudhunka,sida Xadiiskii Abii hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga soo wariyay uu ku yidhi:-Waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo leh:-(Ummaddayda waa loo yeedhaa maalinta Qiyaamada iyagoo dhafoorro iyo qoobab cadcad raadkii waysaysiga dartii , markaa midkiinnii kari kara dheeraysiga dhafoor caddaantiisa ha sameeyo)[Waa la isku waafaqsan yahay].

Iyo Xadiiskii kale ee uu Abuu Hurayrah ku yidhi:-Waxaan ka maqlay gacalkay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye isagoo leh:-(Quruxdu waxay u gaadhaa Mu'minka inta ay u gaadho waysadu)[Muslim baa wariyay].

10-Xidhiidhinta maydhista xubnaha,iyadoo uu addoonku iswada raacinayo,sida isagoo markuu wajiga maydho aan sheeko iska qabsanine ku xidhiidhiya gacmaha.

11-Ducaysiga marka waysaysiga la dhammeeyo ,sida Xadiiskii uu Cumar Ilaahay ha ka raalli ahaadee uu soo wariyay uuna ku yidhi:-Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-(Midkiin idinka mid ahi haddii uu waysaysto, waysadana dhammaystiro,markaasna yidhaahda:-"ASH-HADU ALLAA ILAAHA ILLALLAAHU WAXDAHUU LAA SHARIIKALLAHUU WA-ASH-HADU ANNA MUXAMADAN CABDUHUU WA-RASUULUHUU .Oo Soomaali ahaan la mid ah:-Waxaan qirayaa in Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin keli yahay ,maamulkana aan lala wadaagin , waxaan kaloon qirayaa in Muxamadna addoonkiisii iyo soo dirihiisii uu yahay" ,waxaa loo furaa albaabada siddeeda ah ee Jannada isagoo ka galaya kuu doono)[Muslim baa wariyay].

12-Tukashada laba Rakcadood oo ka danbeeya waysaysiga, sida uu cad Xadiiskii aynu kor ku soo marnay ee laga soo wariyay Cismaan Binu Cafaan Ilaahay ha ka raalli ahaadee.

 

                 Waxyaalo ay fiican tahay samayntoodu

 

1-Cadayashada(rumayashada) oo ay fiican tahay in qofka muslinka ah cadaydo goor walba,siiba waqtiyada waysaysashada,tukashada, hurdada laga kaco,Quraanka la akhriyayo, taasoo uu addoonku ku helayo raalli ahaanshaha Ilaahay ,sida ku cad Xadiiskii laga soo wariyay Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadeee in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Cadaygu daahirin (nadiifin) buu afka u yahay, raalli galinna Rabbi buu u yahay) [Axmed, Nisaa'i iyo Tirmiidi baa wariyay].

Iyo Xadiiskii kale ee laga soo wariyay Abii Hurayrah in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Haddii aanan dhib uga yaabayn ummaddayda, waxaan fari lahaa cadayasho Salaad kasta agteeda(la tukanayo)) [Kooxdaa warisay]. Hab uu Axmed u wariyayna wuxuu ku yidhi(Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Waxaan fari lahaa cadayga waysaysi kasta).

2-Dhawritaanka biyaha oo qofku markuu waysaysanayo aannu qasabadda biyaha iska furin sida dadka qaarkood sameeyaan ee uu tashiilo(dhawro) biyaha inta karaankiisa ah, sida uu innoo caddaynayo Xadiis laga soo wariyay cabdillaahi Binu Muqafal Ilaahay ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:-Waxaan maqlay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo leh:-(Waxaa ahaan doona ummaddan dhexdeeda qolo ku xadgudbi isdaahirinta (maydhasho iyo waysaysi) iyo baryada) [Waxaa wariyay Axmed,Abuu Daa'uud iyo Ibnu Maajah]. Bukhaari wuxuu yidhi:-Way karaahiyaysan(necbaysan) culimadu in biyaha waysaysiga la dhaafiyo intii Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye.

3-Iska goynta(jarista) ciddiyaha, gaabinta shaarubaha(timaha sanka ku hoos yaal dabnahana ka korreeya), sida uu innoo caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Abuu Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Shan(arrimood) baa ah jidaynta toosan(Sunanta Fidrada):- Jarista bisqinta (timaha buuryada ka korreeya), Xalaalaynta(gudniinka), jarista shaarubaha, timo ka rifidda kilkilooyinkiyo ciddiyo jarniinka) [Kooxdaa warisay].

     F.G. Xadiiskan wuxuu Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innoogu sheegay gudniinka oo ragga heer waajib ah, sida uu innoo sheegayo Xadiiskii laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiiisa ahaataye uu yidhi:-(Wuxuu is guday Ibraahim(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo ahaa Khaliilkii Raxmaanka) markay da'diisu gaadhay siddeetan sano, wuxuuna isku guday Qadduum(oo noqon karta qalab tumaaladu wax ku xardhaan ama meel Shaam ku taal)) [Bukhaari baa wariyay].

Xagga gudniinka dumarkase Xadiisyo sugan ma jiraaan ,waxaase habboon in la jaro cadka kore ee ilma-mareenka. Sida ayse Soomaalidu dumarka u gudaan ma bannaana oo waa caado aan Islaamka meel ka soo galin , waana dhib uun addoomaha Ilaahay lagu dhibayo xaq darro, iyadoo aan wax caddayn ah loo haysan, waxaana ay tahay in lala dagaalamo sidii bulshadeena looga tiritiri lahaa dhaqankaas .

4-Gadhka oo la daayo iyo shaarubaha oo la iska jaro, sida ku sugan Xadiiskii laga soo wariyay Ina Cumar in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Khilaafa gaalada: Gadhka daaya, gaabiyana(ama jara) shaarubaha" [Labada Sheekh ayaa wariyay] .

5-Udugsiga iyo cadar isku shubka taasoo nafta farax galinaysa,dumarkase inay gurigooda isku carfiyaan mooyaane waa ka reeban tahay inay bannaanka ugu baxaan, waayo Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa reebay in qof dumar ahi iyadoo cadar ka urayo bannaanka ula baxdo, wayse u bannaan tahay inay ninkeeda isku udgiso.

waxaan baraarujinayaa hadaan xadiith daciifa sidii sii kuso gudinay waa is tishhaad uun ama culimo daliishatay ayaan qalidanaya waxaan baraarujinay qaarna inan ka shakisanahay oo waxaan idhi sida laga wariyay marka walaalayaal sida ula socda insha allaah una sii gudbioya walaaladiina kale si ay uga faa,iidaystaan

wallaahi subxaanahu watacaalaa aclam

wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

         زكريا علي ديرية السلفي أبو يحيى الأثري حفظه الله وثبته على الحق

hadaad maqaalo hayso halkaan noogu soo hagaaji maqaal@manhaj.co.uk