Akhriso Allaha ka raali noqdee

Maqaalo Kale

  • Muxuu ilaahay u abuuray jinka iyo insigaba ?

 

  • Sifadda jannada Allaah

Xukunka qofka salaada ka tagaa waa maxay?

mahad dhamaanteed illaahaybaa leh allaha u abuuray khalqigu inay caabudaan qofkii caabudi waayaana uu noqonayo gaal aan diin haysan galana naar allaah u diyaariyay naartaas oo allaah ku sifeeyay qur,aanka siduu allaah yidhi {naftiina iyo qaraabadiinaba uga diga naar dad iyo dhagaxaan lagu quudinayo}mahadna waxa iska leh rasuulkiisa muxamaed{calayhi assalaatu wasalaam}

hadaba halkan waxaynu inyar kaga hadli doonaa qofka salaada ka taga waxaan uga jeedaa salaada ka taga

{qofkasalaad kaliya aan tukan walaw qaar kaleba hasoo tukadee ilaa wakhtigii salaadu ka baxayay}

sida uu yidhi al imaam ashshanqiidi adwaa,ul bayaanka mujaladka 4 aad marka uu sharaxayo aayada ilaahay ku yidhi

{dadkii wanaagsanaa dabadood waxa yimid dad salaadii dayacay hawadoodana raacay waxay galayaan {qayyi}

wana wabi naarta ku yaala

hadaba

asxaabtii Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo allaah korkiisa ha ahaataye iyagana Ilaah ha ka raalli ahaadee kuwa yidhi waa gaal qofka salada ka tagaa waxa ka mid ah (Cumar Binu Khaddaab,Cabdillaahi Ibnu Mascuud,Cabdillaahi Ibnu Cabbaas , Mucaad Binu Jabal, Jaabir Binu Cabdillaahi , iyo Abuu Dardaa'a).kuwii ku igay(Taabiciyiintiina) kuwa gaaleeyay waxaa ka mid ah:-Axmed Ibnu Xanbal,Isxaaq Binu Raahweyhi,Cabdillaahi Ibnu Mubaarak ,Nakhaci,Al-Xakam Binu Cutaybah,Abuu Ayuub Al-Sakhtiyaani,Abuu Daa'uud Addayaalisi,Abuu Bakar Binu Abii shaybah,Suhayr Binu Xarbi iyo kuwo kale Allaha ha u wada naxariistee). [ Abdil-Cadiim Al-Mundiri ayaa ku qoray kitaaabkiisa la yidhaahdo Attarqi-ib Wattarhiib/Rajogalin iyo Cabsiin].

"Hormoodada Mad-habuhuna (A'imada) qaar waxay banneeyeen in loo dilo gaalnimo qofkii inta la faro tukashada Salaadda diida balse faradnimadeeda (waajibnimadeeda) aan ka madax adaygayn sida:- Axmed ,Isxaaq iyo Ina Mubaarak:

waxa jira aayado wax kamida

1:allaah subxaanahu wuxuu yidhi:-(Naf walba waxay u xidhan tahay waxay camal fashay hase yeeshee midiglayaashu (kuwa buuggooda camal midigta laga siiyay) waxay geli Jannooyin , iyagoo iswaydiin, kuwii danbiilayaasha ahaa , iyagoo ku odhan maxaa idin galiyay Naarta Saqara (lagu magacaabo) , waxay yidhaahdeen (ugu jawaabeen) ka mid maanaan ahayn kuwa tukada , mana aanaan ahayn kuwo quudiya miskiinka ,waxaanannu ahayn kuwo la tiimbada kuwa xumaanta tiimbanaya (dabalanaya macnaa) [Suuradda Al-Muddasir 38-47].

Xadiisyada ka soo arooray Nabigeenna allaah haka amaano xaga saree qofka Salaadda ka taga gaalnimo ku sheegay sida xadiisyadan hoos ku qoran oo kale:

2-Jaabir Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga soo weriyay in Rasuulkii Ilaahay allaah haka amaano xaga saree uu yidhi:-(Ninka (qofka) iyo gaalnimada waxaa u dhaxeeya ka tagista Salaadda) [Kooxdaa warisay Bukhaari iyo Nisaa'i mooyaane].

3-Buraydah Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo allaah korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ballantii noo dhaxaysay annaga iyo iyagu waa Salaadda, markaa kii tagaa wuu gaaloobay) [Shantaa warisay].

4-Cabdillaahi Binu Camar Binul-Caas Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga soo wariyay in Nabigeennu allaah haka amano xaga saree uu maalin ka hadlay Salaadda yidhina:-(Ka ilaaliya iyada (Salaadda) waxay u noqotaa maalinta Qiyaamada iftiin,bur-haan (caddayn) iyo badbaado . Kaan ilaalinna uma noqoto iftiin, burhaan iyo badbaado toona,waxaanu maalinta Qiyaamada meel la maraa Qaaruun, Fircoon , Haamaan iyo Ubayyi Binu Khalaf) [Waxaa weriyay Axmed,Dabaraani iyo Ibnu Xibbaan ,sanadkiisuna(cuskashadiisuna) waa fiican yahay].

Shawkaani wuxuu yidhi:-"Kii uu Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku magacaabay gaal , annaguna gaal ayaannu ku magacaabaynaa ,waxna ku kordhin mayno ,waxna ka mala awaali maynno ,waayo wax nagu xambaarayaan jirin". [Naylul Awdaar 1/287].

Halkaas waxaa markaa innooga cad in jidku kala cad yahay ,caqli laawuhuna keligii uu ku lugo'ayo isdhigasho aan adduun iyo aakhara toona meel marinayn.

talo

waxay tahay hadaba walaalayaal taladaan idiin soo jeedinayaa qofka muslimkaahi waxa weeye sidii rah biyo lagu riday cibaadada haduu ka dhex baxo waxa uu ka dhigan yahay rah ama kaluun biyihii laga saaray waxaanuu noqonayaa mid mayd ah bal u fiirso sida nabigu tusaalahan inoo siiyay

waxa uu yidhi calayhi assalaatu wasalaam

{wuxuu ka dhigan yahay qofka allaah xusaya iyo kan aan xusayni sidii qof nool iyo qof dhintay oo kale }

ku dadaal cibaadada allaah hana ka daalin cilmiga waayo qofku ilaahay cilmi baraa waa inuu ku caabudaa

qofna ilaahay siduu rabay uma caabudi karo ilaa uu noqdo qof cilmi leh siduu allah yidhi

{waxa allaah kabaqa baqaha dhabta ah adoomaha kii cilmi leh}

ilaahay xaqqa hayna waafajiyo

waxa qoray

 sakariye cali diirye