qaraxa iyo aragtida sharciga iyo xalka

Maqaalo Kale

  • Muxuu ilaahay u abuuray jinka iyo insigaba ?

 

  • Sifadda jannada Allaah

 

WAAJIB AKHLAAQEED, DIINEED, SIYAASADEED IYO MID BULSHADEED INTABA AYAA SAARAN MUSLIMIINTA MAANTA SIDII DUNIDA EEY U GAARSIIN LAHAAEEN DHANBAALKA SAXDA AH EE ISLAAMKA EE KU SALEEYSAAN NAXARIISTA, JACEEYLKA IYO KARAAAMADA NAFTA AADNAHA.

Modoow, Cadaan, Muslim , Kirishtaan, Yahuud, Hinduu, Budu, Culumo, Caamo iyo dhamaan bulshooyinka iyo diimaha kala duwan ee dunida  ka jira ayaa iyaga oo aan u kala harin eedeeyn iyo cambaareeyn huwiyay qaraxyadii argagaxiso ee  7/07/05 ka dhacay magaalada London iyo iskudayadii fashilmay 21/07/05. Qaraxyadaas oo lala beegsaday dad rayid ah oo ku sii jeeday shaqooyinkooda.  Hadaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa aragtida islaamka ka taaganyaha falalka noocaan oo kale ah, iyo asbaabaha keenay in kooxo isticmaalayo magaca Islaamka eey hadaf ka dhigtaan dad aan wax danbi ah galin oo ku kala nool dunida daafaheeda. 

 

{Islaamka iyo ilaalinta nafta aadanaha}

 

Qur,aanka ayaa waxa uu ka sheekeeyay ninkii ugu horeyay ee fal argagax u geeysta naf aan wax danbi ah laheeyn, waa Qaabiil oo isugu astaan u noqday argagax iyo shar oo dhan, halka Haabiil uu u taaganyahay kheeyr iyo wanaag oo dhan, ka dib markii uu ka gaabsaday in uu la ficlitamo walaalkii; sidaana waxa uu ku noqday qofkii ugu horeeyay dunida ee canbaareeeyn dusha kaga tuura argagaxa, isaga oo yiri, sida Qur,aankuba noo soo tabiyay: “HIDII AAD DOONEEYSID IN AAD I DISHID, ANIGA DOONI MAYO IN AAN KU DILO; WAXAAN KA BAQAYAA ALLE”AL-MA,IDAH 28. Waxa igu soo dhacay markii aan magaca “Qaabiil” qorayay in ereyga “Qabiil” oo asalkiisa Carabi ah laga yaabo, in laga soo qaatay magaca Qaabiil; Waxeey labaduba wadaagaan xasuuqa iyo gumaadka xaq darrada ah, in kasta oo qabiilka wanaag iyo dhib labadaba loo isticmaalo, hadana waxaa badan in sida xun loo adeegsado.

 

“NINKII HAL QOF XAQ DARO KU DILO WAXA UU LA MID YAHAY ISAGA OO DADKA OO DHAN DILAY, HALKA NINKII HAL NAF NOOLEEYA UU LA MID YAHAY ISAGA OO DADKA OO DHAN NOOLEEYAY”AL- MA,DAH 32. Aayadaan ayaa asal u ah karaamada islaamka siiyay nafta aadanaha iyada oo aan loo kala qaadeeyn Muslim iyo Gaal. Nafta muslimka ayaan aheeyn mid ka qiimo badan tan Kirishtaanka, Yahuudka, iyo Hinduuska,sida oo kale nafta dadka diimahaas ayaan aheeyn mid ka qiimo badan tan muslimka. Dhinaca kale, Dhaqanka Nabiga ayaa waxa uu ahaa mid sii xoojinaya qiimaha iyo karaamada ilaaheey siiyay nolosha qofka, iyada oo aan la eegeeynin diintiisa ama dhalashadiisa. Nabiga, isaga oo weeyneeynayo qiimaha nafta, ayaa waxa uu u istaagay janaazad nin Yahuudi ah! saxaabadii ayaa iyaga oo yaaban u sheegay in ninkani yahay Yahuudi! “MIYEEYSAN NAF AHEEYN” ayuu ugu jawaabay nabiga CW.

 

Cadeeymaha diinata Islaamka eey ku xarimeeyso in lagu xadgudbo nolosha dadka weey fara badan yihiin lamana soo koobi karo waana wax iska cad oo aan u baahneeyn in la sii tixo. Hadaba hadii diinta moowqifkaa cad eey ka taagantahay xurmada qofka iyo naftiisa, maxaa keenay in kooxo Muslimiin ah baneeystaan dhiiga dadyoowga ku nool dunida, iyaga oo wilaba isticmaalayo magaca Islaamka, Taa waxaa kasii daran iyaga oo taageero iyo beerlaxawsi fara badan ka helo dadyoow badan oo muslim ah?

 

{FIQHIGA NACEEBKA IYO FUQAHADIISA}

 

In kasta oo dad badan  eey aaminsanyihiin in sababta dhalisay qaraxyadii London eey salka ku haayso dagaalka Ciraaq iyo guud ahaan dulmiga bulshadeed iyo siyaasadeed oo eey awoodaha waaweeyn ku hayaan dalal ban oo Muslim ah, ayaa hadana su,aashu waxeey tahay dulmigaas siyaasadeed ama bulshadeed ma  kuu xalaaleeyneeyaa in aad xasuuq u geeysatid dad aan danbi galin oo rayid ah? waxaan shaki ku jiran jawaabtu in eey tahay maya weeyn, inaga oo tix raaceeyno aragtida Islaamka ee aan kor ku soo xusnay.

 

Waxaan aaminsanahay sababta ugu weeyn oo eey kooxahaan dadka u xasuuqaan in eey salka ku haayso aragtiyooyin diineed oo eey caadeysteen in eey baahiyaan kooxo muslimiin ah oo uu fikirkooda dhagaxoobay, iyaga oo madaxa ku socodsiiya mabaadi'da wanaagsan ee islaamka ee ku saleeysan naxariista, jaceeylka iyo nabada. Tusale, aragtida Islaamka ee Jihaadka ayaa waxeey tahay mid ku saleeysan kacdoon dulmi diid ah oo u taagan ilaalinta xuquuqda, xuriyaadka, karaamada qofka iyo naftiisa, halka kooxahaan xasuuqida dadka rayidka ah eey ku sheegaan in uu yahay Jihaad! ninkii fuliyana Shahiid! 

 

Fuqahada argagaxa ee badanaa falalkaas ku sheega in uu yahay Jihad, Shahiid! ayaan iyaga ama ilmahoodo marnaba u diyaarin  in eey shahiidaan si eey ugu raaxeeystaan janada eey dadka kale  u dirayaan! Dhaqankaan ayaa waxa uu isoo xasuusiyay sida uu ugu egyahay dhaqanka dagaal oogayaasha Soomaliya, oo iyaga dagaalada ku gubo ilmo eey  waalid kale dhaleen iyaga oo waliba ku sheego in eey yihiin Mujaahidiin, halka wiilashiisa iyo reerkiisa uu usoo diro dibadaha si eey u badbaadaan mustaqbal wanaagsana u helaan. Fuqahada naceeybka ayaa waxaan shaki ku jirin in eey gumaad kasta oo dunida ka dhaco, oo lala beegsado dad rayid ah, eey la wadagayaan eeda iyo danbiga kuwii fuliyay sida Qaabiil oo kale.

 

Kooxahaan  ayaa waxeey suntooda la beegsadeen badanaa dhalin da’yar oo uusan wali fikirkooda bislaanin, marka hore waxeey ka gooyaan reerkooda ka dibna waxeey ku abuuraan naceeybka bulshooyinka eey la noolyihiin; ugu danbeeyn dhalintaas waxaa lasoo darasto xaalad nafsi oo xun, iyaga oo dareemo ciriiri fara badan oo dhinac walba leh.  Hadii aad dib u  raacdo noloshii hore ee dhalinyarada badanaa eey u ugaartaan kooxahaan ayaa waxaad ogaaneeysaa in badankood eey yahiin dhalin aan aqoon ama xariir qota dheer la laheeyn Islaamka, waxeeyna si fudud gacanta ugu galaan fuqahada naceeybka oo fursad u halo in sida eey doonaan eey u sameeyaan fikirka diineed ee dhalintaas. 

 

{ Soomaalida iyo dhaqanka argagaxa}

 

“dhaqan uma lihin falalka noocaan oo kle ah” ayeey soomaali badan kaga jawaabeen markii uu dhacay iskudaygii argagixiso ee fashilmay 21/07/05 ee lagu tuhmay in eey ku lug lahaayeen dhalinyaro soomaali ah. Su,aashu waxeey tahay ma cid gooni ah oo dhaqan u leh falalkaan ayaa jiro? Jawaabta waa maya  Waxaase jiro sadax sabab oo hadii eey kulmaan eey ka dhalaneeyso falalkaan:

 

  1. Nin dhalinyaro ah oo eey karineeyso xamaasad diineed, kana gubanayo dulmiga iyo ihaanooyinka siyaasadeed ee dunida Muslimka lagu hayo.
  2. Fikir diineed oo ku saleeysan argagax iyo naceeyb.
  3. Faqiih ku takhasusay fiqhiga naceebka iyo argagaxa oo soo saaro “QIIL” ama “FATAAWA” uu ku xalaaleeynayo dhiiga daka ku nool dunida ee arigtada ku khilaafsan isaga iyo kooxdiisa xitaa hadii eey muslimiin yihiin.

 

 

Qof kasta oo eey lasoo darasto sadxdaan xaalad ayaa waxa aan shaki ku jirin in uu dhaqan u yeelanayo falalka noocaan oo kale ah dhalshadiisa ama diintiisa cida uu doonaba ha ahaado. Taa waxa sii dheer  Dhalinyarada Soomalida ee London ayaa waxa eey ka mid yihiin jaaliyadaha muslimiinta ee ku nool carigaan kuwa eey ugu fududahay in eey afka u galaan kooxahaan, marka aan eegno guud ahan burburka manta ku habsaday dadkeena meel walba eey joogaan, iyo gaar ahaan burburka qooyska oo wadamadaan yurub aad agu badan.

 

Dhamaadkii sanadkii tagay 2004, ayaa salaadii Casir waxaan ku tukaday masjid ku yaalo waqooyiga London, isla markii salaadii laga baxay ayaa wxa istaagay wiil da’yar oo soomaali ah, waxuuna isaga oo qeeylinayo ku dhaqaaqay xaga iyo imaamkii masjidka, wiilkaas waxa uu ka careysnaa imaamka, oo la sheegay, in uu u duceeyay Janazana ku tukaday hogaamiyihii hore ee reer Falastiin Carafat.  Imaamka, oo aan u maleeynayo in uu ahaa falastiini, ayaa waxa uu iila muuqday nin dagan oo aqoon leh, waxuuna si dagan ula hadlay wiilkii somaaliga ahaa, oo isaga oo aan hadalba dhageeysaneeyn aflagaadooyin iyo xadgudubyo badan oo afka ah u geeystay Imamkii.

 

Arinta kale ee aan aad ula yaabeey waxeey aheeyd, wilkaa waxa taageersanaa oo hoos kasii riixayay koox kale oo uu muuqaalkooda u ekaa Aasiyaan(Pakistan), waxeeyna ku wada guuxayeen si hoos ah  He is right! He is right! Tan kale ee iga sii yaabisay waxeey aheeyd wiilka waxa uu ahaa kan ugu da,yar uguna lafa yar kooxdaan oo xabadkooda iyo qoortooda eey isgashanaayeen cayil daraadii. Waxaan is weeydiiyay sababta eey wiilkaan yar isaga harumarinayaan iyaga oo xoogaan leh! hab dhaqameedka wiilkaas markan arkay waxaa igu abuurmay walwal weyn, waxaana ogaaday boqolaal kale oo wiilkaan la mid ah in eey gacnata u gali karaan fuqahada argagaxa.

 

{MAXAA XAL AH?}

 

 Waxaan aaminsanahay dhibka eey kooxahaan u geeysteen diinta Islaamka in uu yahay mid aad u weeyn. Mabaadi,dii ugu waaweeynaa ee uu Islamka u soo dagay ee ku saleeysnaa nabad, naxariis, isjaceeyl, iskaashi iyo wada noolaasho, waxeey ku badaleen kuwaas lidkood oo ah qarxin, burburin, isnaceeyb;. Hadaba Culimada iyo aqoonyahanada  muslimiinta ayaa waxa loo baahanyahy in eey sameeyaan dadaal badan oo eey kaga hortagayaan aragtiyadaas guracan iyada oo la qaadayo tilaabooyinkaan hoos ku xusan:

1-Talaabada ugu horeeysa waa in eey noqotaa  in laga xayoobiyo marada Islaamka oo eey howadeen kooxahaan si loo arko wajigooda dhabta ah.

2- In lala galo kooxahaan dood furan iyo isqancin ku saleeysan usuusha iyo dhaxalka aqooneed ee hudanka ah ee islaamka. 

3-In si cad oo uusan warwareeg ku jirin loo cambaareeyo falalka kooxahaan, iyada oo aan loo yeeleeyn cudrdaar siyaasadeed iyo mid bulshadeed midna iskaba dhaaf mid diineed

4-In muslimiinta gaaar ahaan dhalinyarada iyo bulshooyinka dunida intaba loo sharxo aragtida saxda ah ee uu islaamka ka taaganyahay falalka kooxahaan, si looga hoos bixiyo diinta eey gabaadka ka dhigteen.  


Ugu danbeeyn, waxaa muhiim ah muslimiinta in eey ogaadaan kooxahaan in eey khatar ku yihiin dunida oo dhan, gaar ahaan islaamka iyo muslimiinta,waayo waxa eey huwanyihiin magaca diintooda. Taariikhda islaamka mar walba waxa soo bixi jiray kooxo tira yar oo noocaan oo kale ah oo dhan ka ah Islaamka iyo muslimiinta, mar walbana culimada islaamka ayaa kala hortagi jiray aragtida saxda ah ee islaamka, ugudanbeeyna guusha waxeey raaci jirtay culimada iyo aragtida dadka tirade badan ee muslimiinta.

 

Marxalada maanta eey marayaan muslimiinta ayaa waxa eey ka mid tahay kuwa ugu khatarsan ee soo maro taariikhdooda, sidaa aawgeed waxaa saaran muslimiinta waajib akhlaaqeed, diineed, siyaasadeed iyo mid bulshadeed intaba in eey islaamka ka badbaadiyaan kooxahaan afduubka u haaysta, dunidana gaarsiiyaan dhanbaalka saxda ah ee islaamka ee ku saleeysan nabad, naxariis, karaamada qofka iyo naftiisa, ixtiraamka diimaha bulshooyinka kala duwan ee dunida

xaqqa waa loo dhaga nuglaadaa oo aan qaadanaa allaah ayaa inaga raali noqonaya hadaan sidaa samayno

wallaahu aclam wa axkam wabillaahi tawfiiq"

wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh"

         زكريا علي ديرية السلفي أبو يحيى الأثري حفظه الله وثبته على الحق

hadaad maqaalo hayso halkaan noogu soo hagaaji maqaal@manhaj.co.uk