|
Maqaalo
Kale |
|
|
|
|
|
|
-
Muxuu
ilaahay u abuuray jinka iyo insigaba ?
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
{quluubta ibnu aadamku waxay u dhaxaysaa qalal iyo
raxmad}
Qalbigu waa cad yar oo ku yaala korka dhiniciisa bidix ee laabta, macna
ahaana waa Fu’aadka Insaanka oo Rabi Ka hadlay, waana guriga Imaanka,
Taqwada, Ixtiraamka, dikriga, Jacaylka iyo Nabadgalyada. Sidoo kale waa
guriga Kufriga, Nifaaqa, Riyaaga, Xiqdiga, Xaasidnimada, Karaahiyada iyo
Walwalka. Rasuuka s.c.w. oo ka run sheegaya arintaasna waxu yidhi
macnaha xadiiska ( korka waxaa ku jira cad yar oo haduu wanaagsanaado
korka intiisa kalena wanaagsanaanayo haduu xumaadona korka intiisa kale
xumaanayo cadkaasina waa Qalbiga ) Bukhari , Muslim
1) Qaluubta , axwaashooda iyo
noocyadooda:
Waa maxay qalbigu?
Qalbigu waa cad yar oo ku yaala korka dhiniciisa bidix ee laabta ,
macna ahaana waa Fu’aadka Insaanka oo Ilaahayna Ka hadlay, waana
guriga / hooyga Imaanka , Taqwada, Ixtiraamka, Thikriga, Jacaylka iyo
Nabadgalyada
sidoo kale waa guriga Kufriga . Nifaaqa , Riyaaga , Xiqdiga ,
Xaasidnimada , Karaahiyada iyo Walwalka.
Waxuu tilmaamay Rasuulku s.c.w. siday isugu xidhan yihiin Imaanka iyo
qalbigu waxuuna yidhi Rasuulku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay ((
Imaanka ma aha rajo ee waa wax ku sugnaaday qalbiga camalkuna ka run
sheegay )) sidoo kale waxuu yidhi Rasuulku s.c.w. ((lama aqbalo Imaan
aanu la socon Camal sidoo kale Camal aanu la socon Imaan)).
2) Axwaasha Quluubta:
-Maxaa loogu bixiyey qalbiga /wadnaha qalbi ?
Waxaa loogu bixiyey qalbiga qalbi sida u isu gagadiyo oo isugu gadiyo
khayr iyo shar.
Rasuulku s.c.w. waxu yidhi xadiis macnahiisu yahay ( waxaa loogu
bixiyey qalbiga qalbi siduu dhakhso isugu gadiyo ).
Waxuuna ku matalay Rasuulku s.c.w. qalbiga xadiis macnahiisu yahay
sida (baal yaala meel banana ah oo dabayshu marba dhinac u rogayso ).
Sidoo kale Rasuulku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay ( qalbiga ibn
aadanku waxuu ka isgagadi badan yahay digsi dab xoogleh la saaray oo
kar dartiis is gagadinaya)
Qalbiyadu kuma sugnaadan hal xaal waxayna ku jiraan gacanta Ilaahay oo
siduu dono ayuu ka yeelaa.
-qalbiyada Muminiintu waxu galiyaa Imaan, Ixsaan, iyo Adeecida
Ilaahay.
-qalbiyada Gaaladana waxu galiyaa Nifaaq, Riyaa iyo Xasad.
Waxaas oo dhamina waa qudrada Ilaahay , Xikmadisa iyo Cilmigisa.
3) Axwaasha Quluubta:
Qalbiyadu waxay u dhexeeyaan Imaan iyo Kufri waana 4 xaaladood
Waxaa laga wariyey Cali Bin Abii Daalib ama Abuxudayfa r.c in u yidhi
Rashuulku s.c.w. qulubtu waa 4 nooc
1- Qalbi nuuraya oo iftiimaya kaasina waa qalbiga muuminiinta
2- Qalbi daboolan o xidhan kaasna waa ka kaafirka
3- Qalbi qalooca /foorara waana ka munaafiqa
4- Qalbi u dhexeeya laba dhinac oo marba midjiidanaayo mar iimaanka
ayaa jiita marna dhinaca nifaaqa kuwaasina waa kuwa isku qasay laba
camal oo kala ah mid wanagsan iyo mid xun, qalbiguna waxu yahay marba
xaal oo kuma sugnaado hal xaalad qudrada Ilaahay.
Rasuulka s.c.w. waxu yidhi xadiis macnahiisu yahay (( qofku waxuu
waabariista isaga oo muslim ah waxuna galabsadaa isaga oo gala ,
waxuuna galabsadaa isaga oo gala waxuuna waabariistaa isaga oo muslim
ah) sido kale waxuu ku ducaysan jiray Rasuuku s.c.w. xadiis macnahiisu
yahay (( Ilaahi Qalbiyada gagadiyo ku sug Qalbigayga diintaada,
Ilaaha quluubta dirow u dir qalbigayaga daacadaada ).
4) Noocyada Quluubta:
1-Waxay noo sheegeen culimadu in ay jiraan Laba Quwadood oo xoog leh
kuwaas oo ku tartama /isku haysta Quluubta , kuwaasina waa quwada
khayrka iyo quwada sharka.
-Quluubta ay buuxisay quwada khayrku waa quluubta muuminiinta, waxaana
buuxiya Imaan, Taqwaa, Makaarim Al-Akhlaaq, xubnahooduna waxay u
dhaqaaqaan camalka wanaagsan halkaas oo caqligu raaco wanaaga laabtana
way ku daabacantaa wanagas qalbiguna waa ku farxaa kuna xasilaa
digriga Ilaahay, qofkaasina waxuu dareema macaanka wanaagaas ku
sugnaaday qalbigiisa.
-waxuu yidhi Rasuulku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay ( qofki jeclaada
lakulanka Ilaahay Ilaahayna waa jeclaada lakulankiisa ).
-malaa’ikta Ilaahay markay nafta ka qaadayaan Muuminiinta waxay
yidhaadan ( nafti xasilonaydey usoo noqo dhinaca Rabigaa adiga oo
raali lagaa yahay adiguna ku raali ah jazada aad heshay Ilaahay
agtiisa ) macnaha aayada.
2- Quluubta ay buuxisay quwada shartuna waxaa daboolay shar aad u xoog
leh waxuuna u jiidaa dhinaca xumaanta akhlaaqdiisuna waa xumaataa oo
acmaasha waa xumaata, waxay noqotaa laabtiisu mid xidhan,
fu’aadkiisuna waa mid la haysto, waxuuna raacaa hawada naftiisa oo
amarta xumaanta, waxuuna ku dhacaa macaasida iyo dunuubta, qalbigaas
waxba kama tarto xasuusinta Ilaahay la xasuusinaayo iyo digniinta
Ilaahay, quluubtaas waxay ku dhegtay oo raacday Aduunyo, Xoolo iyo
Dumar oo wax kale uma jeedo, Ilaahay kuwaas inagama dhigo aamiin.
5) Marka Qalbigaagu waa kee?
Qofka muslimka ah waa in uu yaqaano naftiisa isaga oo ka eegaya
Qalbigiisa nooca uu yahay.
Hadii qofku uu dhadhamiyo macaanka Imaanka laabtiisuna ku fido oo
Fu’aadkisuna ku farxo una soo jeesto acmaasha wanagsan Ilaahayna
jeclaado, haduu intaas qofku isku arko Qalbigiisu waa wanaagsan yahay
khayr badana waa lagu tuhmaa.
Hadii uu intaas ka xarinmo oo shaydaan u qurxiyo acmaasha xun xun ee u
samaynaayo, ogow Qalbigaas waa xumaaday sidoo kale camalkiisuna waa
xumaaday, waxuna ku jiraa jid aad u khatar ah Ilaahay ha inaga
badbaadiye.
Rasuuka s.c.w. oo ka run sheegaya arintaasna waxu yidhi macnaha
xadiiska ( korka waxaa ku jira cad yar oo haduu wanaagsanado korka
intiisa kalena wanaagsanaanayo haduu xumaadona korka intiisa kale
xumaanayo cadkaasina waa Qalbiga ) Bukhari, Muslim
Marka waxaa waajib inagu ah in qofkasta ku dadaalo siduu u badsan
lahaa quwada khayrka isaga oo Imaankiisa badinaya kana fogaanaya
waxkasta oo shar ah, badsanayana Istiqfaarka iyo tasbiixda.
fadlan usoo gudbi ikhwada kale insha allaah si ajarku kuugu batto
sakariye salafi al athari
hadaad
maqaalo hayso halkaan noogu soo hagaaji
maqaal@manhaj.co.uk
|