Hadimooyinka Qaadka

Maqaalo Kale

  • Muxuu ilaahay u abuuray jinka iyo insigaba ?

 

  • Sifadda jannada Allaah

hadimooyinka qaadka

allaah ayaa mahad leh allahaas oo xaaraan ka dhigay wax kasta oo nafta dhibaya allahaas oo qur,aanka ku sheegay inuu lasoo diray nabiga muxamed ah naxariis uu dadka u naxariisanayo iyo xarimid uu xarimayo wixii aadamaha dhibaya mahad naq ayaan mahadinayaa intaa ka dib waxaan allaah u waydiinayaa inuu amaano nabigiisii muxamaed ahaa iyo ahadalkiisii mu,miniinta ahaaba iyo asxaabtisii sharafta lahayd

walaalayaal mawduucan oo kale wuxuu u baahanyahay khibrad dheeraad ah waayo qof aan khibrad u lahayn qaadka kama sheekayn karo waxay dadka qaar ka shaki galin karaan inuu dhib leeyhay iyo in kale in uu ka hadlo qof soo cunay qaadka ama soo marayba siday somalidu ku maah maahaan{waaliba ninkii soo maraalaga waraystaa} ileen waali qaad ka xuni ma jirtee waxay tahay waxyaabaha muhimka ah hadii jaadka laga hadlayo intaanan u guda gali waxaan yara taaban lahaa laba shay oo muhhim ah

1- shayga koobaad ee aan wax ka tilmaamayaa wuxuu yahay qofka isku dayaya inuu akhriyo qoraalkan yarr ee qaadka ka sheekaynaya waa inoo bal xiliga uu akhriyayo isku dayaa inuu bal ka faa,iidaysto aanay dhaafin fursadani waayo hadii wax laguu caayo waa inaad eegtaa caydan laguu caayayaa ma dhabaa ma riyaa markaa waa inaynu cadaalad samaynaa ogaanaana in hadii ay fursadani ina dhaafto oo aynaan dhibaatooyinka qaadka nafteena u diidin inaanay suura gal ahayn inaynu xili kale is daba qabataynaa ilaahay oo kuu naxariista mooyee

2- gobo.da labaad ee aan baraarujinayaa waxay tahay hadii uu qofku caqli leeyahay oo uu wax kala garanayo oo uu dhan yahay qaadka maba cuneene waar hadaad ku khaldantay aad leedahay caqli ayaan leeyahay imikaba waataa dhibaatooyinkii qaadka laguu sheegay laguu sheegay xukunka qaad xalaal ama xaaraam waayo waxa laga yaabaa hadii shay lagaaga waramo waxaad ku rumaysataa sadex mid ahaan

1.in aad aragto adigu shaygi lagaaga waramayay laftiisaba

2.inuu kaaga waramo cid aad rumaysanaysaa lakiin adigu aanad arag

3.in lagu tuso shaygaa shay la mid ah oo lagu yihdaahdo tusaale ahaan waa gurigan oo kale

markaa jaadka ka cunayoowna aragtayba kan aan cuninoowna lagaaga waran kan aan ragoowna waa waalida oo kale

walaalayaal waxaad is waydiinaysaan in badan oo dadka kamid ihina la wareereen aayad ama xadiith qaadka tidhi waa xaaraam lama hayo ama meeday ilaahay muxuu uga hadli waayay haduu xaaraan yahay

jawaabtu waxay tahay

1.walaal maad haysaa ayaad tidhi bariiska cuna baastada cuna shaaha caba kamasarada wax ku udgooneeya sii wad uun waxaynu gashano ama xidhano shay shay looma sheegin laakiin ilaahaybaa xalaaleeyay wax kasta oo ina anfacaya sidoo kale ilaahay waxa uu inoo diiday wax kasta oo ina dhibaya oo uu xaaraan ka dhigay wixii dhib ku keenaya sharafta diinta tafta caafimaadka siiwad uun i.w.m

hadaankaga baxo jawaabtaa duuduubka ah intaa

jawabta faahfaahsani waxay tahay

1.waxa ilaahay kaga waramay suuratul acraaf nabi muxamed iyo wixii ilaahay lasoo diray waxa uu ilaahay ku daray inuu nabi muxamed diidayay wax kastoo nafta dhibaya xaaraana ka dhigayay waadaliil cad oo jaadku inuu xaraan yahay sheegaya

2.waxa ilaahay yidhi naftiina ha dilina hana dhibina ilaahay wuu idiin naxariisane qofka naftiisa dila ilaahay wuu cadaabayaa suuratu nisaa,a ayuu ku sheegay taana allaah

3.ilaahay waxay uu yidhi waar naftiina haku tuurina halaag ee wanagsanaada ilaahay waxa uu jecel yahay kuwa wanaagsane suurat al baqara ayaa taana lagu sheegay

4.rasuulku waxa uu yidhi xadiith saxiix ah waar naftiina ha dhibina dadkana dhib ha ugu abaal gudina {waxaad moodaa inuu rasuulku sii ogaa dadka qaadka cuna ama naftiisa ayuu dhibayaa ama walaaki ayuu ugu abaal gudayaa inuu jaad u qaado dabadeeto uu dhibi} qofkastaana wuxuu garanayaa inuu xadiithkanina u daliil yahay inuu jaadku xaaraan yahay

intaa hadaynu kaga gaabsano ma xaaraanbaa mise walaal

dhibaatooyinka uu leeyahay qaadku waa maxay ayaa is waydiin leh

1"dhibaatooyinka diin ahaaneed

1.qofka qayilaa waxa uu dyacayaa xuquuqdii alaah kugu lahaa sida salaadii waad ka wah sanaysaa cilmigiiilaahay dadka ugu tala galay inay bartaan ayaad ka caajisaysaa wixii xuquuq ahaa iyo cibaado oo dhanna waxay hoos imanayaan labadaa aan sheegay insha allaah

2"dhibaatooyinka bulsho ahaaneed

waxaynu wada ognahay dadka cuna qaadka bullshada dhibka ay ku hayaan waxaana kamid ah dhibaatoyinkaa mid ay naftoodu ku qabto mid ay dumarkoodu ku qabaan mid ay ciyaalkoodu ku qabaan mid ay dadka kale ku qabaan mid ay miasaajida ilaahay ku qabaan

1.naftoodu waxay ku qabtaa dhib ay ka gabyeenba {subax waliba daabaan idhaa damacna waakiiye} mar kasta oo uu is idhaahdo daa hadana naftiisa ayuu dhibaa wuu ku noqdaa dhibkaa subxaana allaah

kaana waxa la taliyay gabayaagan yidhi

Ninka qaarka sare qaawan ee
Qaadka la ordaaya
Ee inuu qaylo doonayoow
Qaafilbaad tahaye
Nin Qalbigu madoobaaday oo qooman baad tahaye
Qaadirkii Illaahay iyo hadaad qirin Rasuulkeena
Oo aad qiyaama bacthiga qayb u dhiganayso
Adigoon quraankiyo ka tagin
Qawlkii Nabigeena......................................


Ha qayline qaadka iska daa
Kuba qasaysiiye
Ninka Qayilay NInka u qaaday
Iyo kii Qaxwaha siiyey
Kuwa tayotaha qafilan
Qoorta kaga keena
Afartaaba qasaara ku dhacay
Waanay Qiranayne

sidaas ayaa loola taliyay waanay qaadanayn badan kooduye sidii yihdi tima cade

{wixii hore usoo dashadaybay dagashayanaysaa}

2.dumarkoodaa ku qaba dhib badan oo ay kamid tahay siduu yidhi gabayaagani {iska qaado reerkiina qadi qaadaw adigaa leh :macdan qubata dumarka oo qayada qaadaw adigaa leh

iyo hadalo aanan cabiri karayn oo wallaahi aan ka xihsooday runba ha ahaadaane

3.ubadkooda waxaad arkaysaa nin kasta oo qayila ciyaalkiisuna waxay qayilaan ama waxay kaga daydaan

qisso!!

waxa iga xumaaday maalin malmaha kamid ah {sameecad aan dadka ku wacdiyo badanaa} waxaan ugeeyay farsam yaqaan sameeya waxa ag yaalay jaad waxaana la fadhiyay ilma yar oo uu dhalay waxa yara kacay ninkii farsama yaqaanka ahaa waxa soo kacay inankii yaraa aniga oo eegaya ayuu jaadkii aabihii uu cunayay ayuu laamo kasoo qaatay afka ayuu galiyay ilmaha yari waxa uu ahaa da,a ahaan ilaa 5 sano haduu waliba u bato waan kusoo booday waxaanan ku idhi ish tuf waa sunne ma waxaad rabtaa inaad dhimato bal u fiirso walaal jawaabta uu iigu jawaabay waxa uu igu yidhi

{aaboba sawkaa cunaya muu ku dhinto}

wallaahi lama soo helayo nin qayila oo ciyaal leh ilaa waxay ka dhaxlaan ama intuu nool yahay ha noqoto ama ha dhintee qaadkay ka dhaxlan waana sakhraanimo la kala dhaxlay

4.masaajida ilaahay waxaad akkaysaa nin soo qayilay oo aan soo cadayan oo misaajid soo galay isaga oo aad moodo uus inuu soo urayo qadhmuunka awgii kuma ag tukan kartid subxaana allaah

3.dhibaatooyinka xaga caafimaadka

1.waxa laga qaadaa qaadka xanuun kasta oo ku yimaada nadaafad darada waayo qaadka meelaha laga beero iyo waxa lagu beera ayaa cadaynaya wuxuu yahay iyo dhab ahaan marka loo kuur gala waxaad ugaanaysaa inuu keeno xanuunada oo dhan

2.waxa laga qaadaa qaadka xanuuno gaar ah sida ay sheegeen

dhakhaatiirtu waxay yidhaahdee sidan

{Cudurada ku dhaca qofka cuna qaadka waxaa ka mid ah waalli, calool iyo mindhicir xanuun, kaadida oo uu ceshan waayo, hurdo la’aan, madhaleysnimo iyo manida ragga oo iska daadata waxa kale oo kamida inuu awood waayo marmarka qaar qabsshad hawlihiisa galmo ahaaneed' sida cilmi baadhisa la sameeyay lagu xaqiijiyay inuubku jiro jaadka maado loo yaqaano Cathedulins iyo Cathinone kuwaas oo ku siidaaya maskaxda wax kale oo la yiraahdo dopamine. Dopamine(kaasi) wuxuu qofka qaadka cuna ku keena inuu markii uu soconayo uu dhacdhaco ama annu dareemin isbedelka ku yimaada jirkiisa marka uu cunayo qaadka}

waxa qof kasta oo cuna qaadka oo runta sheegayaa uu ka marag kacayaa arinkan dhibka badan leh subxaana allaah

4.dhibaatooyinka dhaqaale ahaanneed

waxaynu wada og nahay in qaadku uu curyaamiyo dhaqaalaha dadka cuna iyo kuwa aan cuninba anoo aan kusii dheeranayn oo ka baqaya inuu dheeraado qoraalkan yarri waxay baadheen dadka wax baadhaa somali kaliya inta jaad kaga baxda sanadkiiba

waxay yidhaahdeen sidan{lacagta ku baxda somalia oo kaliya sanadkii waa $50-250 oo milion sidan ay sheegen cilmi baadhayaashu waliba waxa ka mid qaramada midoobay laanta u qabilsan hurumarinta } waanad arkaysaa inay xaqiiqo tahay guri kaliya ayaa laga heli karaa malin kasta 5 qof ee jooga inay laba ama ka badani cunaan

daroogada ku jirtaa waa noocma

waxay xaqiijiyeen dhakhaatiirta ku xeesha dheer daroogooyinka iyo dhibaha ay leedahay in jaadka ay ku jiraan daroogooyin sida ay yidhaahdeen

{waxaa la ogaadey iney ku jiraan waxyaabo caafimaadka qofka wax u dhima oo la kala yiraahdo Cathine, Cathinone iyo Cathedulins}subxaana allaha walaal qof caqli leh oo geedyar cunaya oo tufaya dhibkaas oo dhamina kasoo gaadhayaa laanyar miyuuna mudnayn inuu iska daayo wallaahi kan ku sii maxad adaygayaa inuuna liibaanayn akhiri iyo aduunka midna

gaba gabo"

walaalayaal waxaan halkan kusoo gabagabaynay gobo.ku saabsan dhibaatooyinka jaadka waxaana inagu waajib hadaynu nahay dad ilaahay rumaysan dad doonaya liibaan ama wanaag inay helaan waxay rabaan iyo inay ka nabad galaan waxay nacayaan waa inaynu go,aan yeelana walaal oo aynaan labaclabaclayn jaadka in layska daayaa waxay fududahay wayna fiican tahay inuu is kaantaroolo qofku waxaan raaynayaa ilaa 8 sanno ayaan cunayay oo aanan maalina iska dayn anoo waaya mooyee walaalayaal waa layska dayn karaa ragii kaa hoeraayay ee ika daayayna ilaahay kaagamay dhawayn lagana yaabaa inaad ka raganimo badan tahay sida aniga oo kale walaal iska daa ilaahay cibadadiisa ku badalo taasaan wax loo dhigaa jirine dibna haw cunig markaad hesho cunto arzaaq dayib ah o allaah kusii yay maxaad ku fali laan calashigeed

waxaan filyaa inay hanuunin doonto qofka raba hanuu ay toosin doonto qofka raba toosnaan insha allaah

ilaahayna waxaan waydiisanayaa inuu ka dhigo camalkan aan ku qumayno mid khaalis u ah wajigiisa dartii looga jeeda

amiin amiin amiin

waxa qoray sakariye cali diiriye

hadaad maqaalo hayso halkaan noogu soo hagaaji maqaal@manhaj.co.uk