{Geerida Ayaa Waano
I
noogu
Filan}
Marka U
horaysa waxaan dadka u dardaarmaynaa cabsida Alle, sida allaah uu Quraanka
kariimka ah noogu sheegay {dadyahaw mu’miniinta ahi
haddad Eebe ka cabsataan oo ka dhowrsataan wuxuu iddin yeelayaa faraj
(nabad gelyo) wuxuuna asturi dambigiina. (anfaal 29)}.
Sida aynu wada ogsoonahay Eebe nooma abuuran dheel-dheel wax walbana waa
naloo kala cadeeyey. Ajasha (mudada) qofka loo qabtay
waa wax kooban, qof walibana maalin ayuu dhimanayaa laakiin yididiilada
iyo waxyaalahu qofku had iyo goor ku fakeraa waa mid aan dhamaanayn.
Waxaan maalin
walba aragnaa qof dhintay ama mayd la sii wado, ma ku fekertay marna
xiliga aad adiguna dhimanaysid. Dadka ahlu cilmiga ah (aqoon yahanada
diinta) waxay yiraahdaan markay ka hadlayeen dadka geerida iyo Eebe
ilaaway, [ dadka geerida ilaaway wax kasta oo ay
ururshaan ma dhergaan, mana gaaraan waxa ay ku fekerayaan (yididiilada),
aduun aan wax tarayn ayay ururiyaan, meel ayan degayna ayay dhisaan,
aduunyo aanay gaarayna way ku fekeraan.] siduu Eebe quraankiisa ugu
yiri, { iska dhaaf ha cuneen oo ha raaxaysteen waxaa
mashquuliyey yididiilada ay ku jiraan goor dambe ayaay ogaan doonaan. ( al
xijri 3)}. { ka waran haddan u raaxayno sanado ka bacdina uu u
yimaado wixii aan u yaboohnay (geerida iyo cadaabaka), maalkii ay ku
raaxaysanayeen waxba u tari maayo maalintaa.(Shucaraa 205- 207)}.
Qofkasta oo muslim ah
waxaa laga doonayaa in uu had iyo goor xusuusnaado dardaarankii Nabigeena
nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri
{waxaad had iyo goor xusuustiisa badisaan kan
macaanka iyo raaxada gooyo oo ah geerida}. Waa hadal kooban oo aad
ka fahmi karto waxyaalo aad u tirio badan kuna xusuusinaya meesha aad
maanta joogto iyo waxa kaa dambeeyo in aad had iyo goor sahay u qaadato
meesha aad barri tagi doonto. Shiikh culumada muslimiinta ka mid ah ayaa
wuxuu yiri [ ilaah ayaan ku dhaartaye qof kasta oo nool inaga nakka mid ah
wuu dhimanayaa ka bacdina wuu baaliyoobayaa (dhamaanayaa jirkiisu)
dabadeedna dhulka ayaa cuni jirkeena iyo dhiigeena sidii aan hore dhulka
wixii ka soo baxa aan u cuni jirnay, dabadeedna waxaa imaanaya Eebe
hadalkiisii ahaa { Marka suurka (buunka) la afuufo
waxaa suuxi doona (dhiman doona) cidkasta oo joogta dhulka iyo samada ilaa
ciddii Eebe doono maahee, dabadeed markale ayaa la afuufi doonaa Waxaa la
arki dadkii iyagoo wada taagan oo qabrigii ka soo baxay ( zumar 68)}.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabiga (nabad gelyo iyo naxariis
korkiisa ha ahaatee) wuxuu soo aaday dhinaca qabuuraha si uu uga qayb galo
qof la aasayay, markuu nabigu soo gaaray qabriga afkiisa ayuu nabigu
fariistay wuxuu bilaabay inuu ooyay, ilmadii Nabiga s.c.w ka soo baxday
ilaa ay qoysay ciidii saarnayd qabriga daantiisa, saxaabadii nabigu waxay
bilaabeen inay aamusaan iyago la yaaban oohinta nabiga oo hore loogu
dhaafay dambigiisa, wax yar ka bacdi ayaa nabigu isaga oo ooyaaya wuxuu
saxaabada ku yiri “walaalahaygiiyow tan oo kale u
diyaar garooba waxay soo maraysaa qof kasta oo idinka idinka mid ah”.
Nin ayaa nabiga wuxuu waydiiyay qofka dadka u caqli badan, wuxuu nabigu
yiri “dadka had iyo goor xusuusta geerida oo had iyo jeerna u diyaar
garooba, kuwaasaa ah kuwa dadka u caqli badan, waxayna la tageen sharaftii
aduunyada iyo karaamadii aakhiro” (ibnu maajah).
Sidaan ognahay dadka maanta qabuuraha ku jiraa waxaa laga yaabaa
inay ahaayeen dadka aduunka u raaxa badan una waqti (cimri) dheeraa, ama
dadka ugu sharaf badan, maantana waxaa guryo u noqday qabuuraha, waxaa
wehel u ah mugdiga, darisna waxaa u ah lafaha dadkii hore oo geeriyooday,
maalkoodii waa la qaybsaday, waxaa dhab ku noqotay Eebe hadalkiisii aaha
{ ma waxaad moodeen in aan idiin abuunay dheel-dheel oo marnaba xagayaga
aydan u soo noqonayn (mu’minuun 115)} . Marna walal ma ku fekertay
maalinta aad dhimanaysid, maalinta aadan lahayn xeelad aad uga fakato
geerida, marka geeriduna kuu timaado qoomamo ku anfacayn, hadda ayaad
haysataa waqti waxaad hor istaagi doontaa Eebaha aan wax ka qarsoomi karaa
aanan jirin sida Eebe quraankiisa ku yiri {maalinta
eebe laydiin soo bandhigi doono, maalintaa wax Eebe ka qarsoomaya aanan
jirin ( alxaaqa 18)}. Sidoo kale wuxuu alle noo sheegay qofkasta
inuu dhimanayo wuxuuna ku yiri quraanka kariimka ah,
{ Naf waliba waxay dhadhaminaysaa geerida, maalinta qiyaamana qof waliba
wixii camal ah uu la yimi ayaanu siinaynaa, qofkii laga dheereeyo naarta
janadana la geliyo wuu liibaanay, nolosha aduunyaduna waa nolol wax
kadisa. (aala cimraan 185)}.
Inaad had goor xusuusnaato geerida
kana fakarto wixii camal ah oo aad samaysay waxay ka mid tahay waxyaalaha
Eebe loogu dhowaado, wax kasta ood aduunkaan ku haysatana aduunka ayaad
uga tagaysaa waxaa ku raacayaa camalkaaga, haddii uu yahay mid xun waxaad
la kulmaysa wax xun, hadii uu wanaagsan yaahayna waxaad la kulmaysaa wax
wanaagsan, marka Eebe loo tagana wuxuu eebe oran
{waxaad maanta noo timaadeen qof waliba isagoo kaligii ah sidii aan markii
hore idiin abuurnay wixii aduunka aad ku hayseena gadaal ayaad uga
timaadeen}. Waxaa walaalayaal waano iyo
wiciid noogu filan geerida
fadlan usoo gudbi ikhwada kale insha allaah si ajarku kuugu batto
sakariye salafi al athari
hadaad maqaalo
hayso halkaan noogu soo hagaaji
maqaal@manhaj.co.uk