Haddaad mar hore dhadhamisay
macaanka iimaanka, laakin aad waayahan dareemi la'dayhay, ogow inaad ka
tagtay wax wanaagsan ood sameyn jirtay, oo ku dhadhansiiyey macaanka
iimaankaas. Qoraalkan waxaan ugu tala galay sidii marlabaad aad usoo ceshan
leheyd macaanka imaanka eed soo dhadhamisay.
Maanta waxaan halkan is xasuusineynaa sidii aan ku hanan laheyn macaanka
iimaanka haddaan marlabaad ku guuleysanno inaan dhadhamino, iyo sidaan ku
xaqiijin laheyn macaankaas.
Dadka bartay cabbidda khamriga, ama daroogada oo dhadhansada , wexey ku
dadaalaan sidey mar walba dareenkaas u heli lahaayeen, wexeyna u huraan wax
walba si ay dareenkaas u gaadhaan ayagoo og inuu u jar ka tuurayo, ama inuu
halaagayo.
Waxaa kaloo la soo wariyey in Bilaal Ibnu Rabaax, Mu'addinka Rasuulka SAWS
la wareystay sababta uu ugu adkeystay oo uu ugu sabray iimaankiisa cadaabta
lagu caddibay bacaadka Makka ee kulul, wuxuu ku jawaabay: " Waxaan isku
daray xanuunka cadaabta iyo macaanka iimaanka, waxaa soo dul martay macaanka
iimaanka" taasoo macnaheedu yahay, in macaanka iimaanka haduu qofku dhab
ahaan u dhadhamiyo, inuu wax walba siisanayo, maxaa yeelay Allah ayaa ka
iibsaday muminiinta naftooda iyo maalkooda oo ka iibiyay Janno. Hadaba,
qofkii ay u dhabowdo macaanka iimaank, wuxuu helay jannadii adduunka sidii
uu yidhii Sheikh Ibnu Taymia markii lagu xidhay xabbiskii Qalcada " Haddii
la i xidho, waan khalweyn, xasuusta Allah iyo cibaadadiisa ayaan waqti u
heli, haddiii la dhoofiyo, waan jihaadi, haddii la i dilo, waa shahhidnimo,
Jannadeydu wexey iigu taallaa laabteyda, cadowgeygu maxey igu fali?"
Mar uu Rasuulku SAWS wareystay nin saxaabi ah " Maxaad ku barisay?" ninkii
saxaabiga ahaa wuxuu ku jawaabay " waxaan ku ku bariistay muumin-nimo",
markaasuu Rasuulku SAWS yidhi, maxaa muujinaya iimaankaaga?" ninkii
saxaabiga ahaa wuxuu yidhi " waxaa ii muuqda reer jannaadkii oo isa soo
salaamaya, waxaa ii muuqda ahlu naarkii oo is eedaya" rasuulkii Allah SAWS
wuxuu markaa ku yidhi ninkii, " Waad haleeshayee, ee ku mitid"
rasuulku wuxuu kaloo tilmaamay iimaanka " wax qalbiga ku jira oo uu dhabeeyo
waxa la sameeyo"
Hadaba waxaad is warsaneysaa, sidee baan iimaan ku helnaa, dabadeedna u
hanannaa?
Jawaabtu wexey ku xidhan tahay hadba qiimaha uu kula leeyahay iimaanka,
taasoo keensaneysa howshaad ku gaadhi leheyd iimaankaas. Waxaa lagu hantaa
iimaanka:
1. Sabirka : Allah SWT wuxuu yidhi " Kuwa sabraa, waxaa la siiyaa ajarkooga
xisaab la'aan"
2. Ixtisaab: oo macnehhedu yahay in waxaad sameysneyso OO DHAN aad ku
raadineyso wajiga Allah oo qudha
3, Ducada: Taasoo ah qallbiga cibaadada
4. Soonka Sunnada ah; ( Khamis, iyo isniin, iyo maalmaha caddaha ah, lixda
shawaal, carafa, caashuuraa)
5. Quraankoo la khatimo bil walba hal jeer ( salaad walaboo la akhriyo afar
bog)
6. Salaadaha oo loo dhakso loogu dhaksado ( Tabkiir bacdal aadaan oo kaa
saaraya munaafiqiinta)
7. Ilaalinta sunnooyinka Rawaatibta ah. ( guri janno ayaa laguugu dhisaa)
8. Ku dadaalidda labada rakcdood ee Salaadda barqaha ( duxaa, taasoo
xubnahaaga ka bixineysa sadaqada)
9. Ku dadaal maalinkii oo dhan inaad ku sugnaatid weysoqab, ( caajiska iyo
sheitaanka ayey kaa fogeysaa)
10. Ku dadaaal labada rakcadood oo sunnada ah aadaanka dabadiis
11. Ku dadaalidda adkaarta subaxa iyo kuwa fiidka ( Faaiido cajiib badan
ayaan ka dhaxlay)
12. Labo rakcadood oo intaadan seexanin aad tukato ayadood u niyeyesato
Qiyaamulleil
13. Akhrinta Quraanka iyo ku cibro qaadashada sheekooyinkiisa
14. Sunnada habeenkii ee Shafciga iyo watriga
15. Habeenkii intaadan seexan ood is xisaabisid ( maxaan maanta korosaday,
maxaan khasaaray, maxaa iga dhiman?)
16. Dambi dhaaf ood Allah ka bariso si joogto ah.
17. Ku fakaridda uunka Allah iyo yaabkiisa ( abuurka cirka iyo cajaaibta
dhulka)
18. Qalbiga oo laga meydho ( dhaqo) cudurrada ( xasadka, dakanaha iwm)
19. Dadkood ugu yeedho waxaad aaminsantahay ( Taasoo iimaanka si weyn u
kordhisa)
20. Macsida Allah oo laga tago ( macsidu wexey nusqaamisaa iimaanka)
21. Waalidka oo baarri loo noqdo.
22. Qaraabada soke ( rixinka) oo la xidhiidhiyo ( loo kaalmeeyo, lagana
warhayo)
waxan rabaa inaan halkan ku soo gudbiyo qayb kamid ah
xadiithka jibriil een wada garanayno , waana qaybta ka hadlaysa lixda tiir
ee iimaanka
(1) wuxu yidhi nabigu(scw)(iimaanku waa inaad rumayso Alle)micneheeduna waxa
weeye inaad alle inuu kaligii yahay rumayso qalbiga iyo carabkaba aad ka
rumayso isuna dulayso awaamirtiisa una hogaan santo, go'aana aad ku gaadho
inaad u hogaansanto waxa uu alle ku faray , adigoo kana fogaanaya iska
kibrin iyo santaag iyo cinaad inaad latimaado, hadaad saa samayso waxad
latimid wuxu alle kugu jeclaanayo waxadna ka dheraatay wixi cadho alle kuso
jiidi lahaa.
(2) (rumaynta malaa'igta )waxaa weeye inaad rumayso inta alle magac yadooda
u ku sheegay kitaabkiisa aadna rumayso in alle leeyahay malaa'ig kale oo
aynaan garanayn tiradooda iyo magacyadooda alle mooyee.
(3) (rumaynta kutubtiisa)waxa weeye inaan rumayno inta alle magac yadooda
inoogu sheegay kitaabkiis sida Towraad, Injiil, iyo Zabuur aanna rumayno in
alle leeyahay kutub kale oon kuwan ahayn oo aynaan garanayn,waxana
rumaynaynaa Furqaan farqibaana u dhexeeya rumaynta kutubahaa kale iyo keenan
Furqaan, rumaynta aan rumaynayno kutubta kale waa inaan qalbiga ka qirno in
kutub alle soo dajiyay ay yihiin iyo carabkaba, rumaynta aan rumaynayno
kitaabkeena Furqaana waa inaan qalbiga iyo carabkaba ka qirno waxa intaa
siidheer inaan inaan wuxu ina farayo raacno wuxu inaga reebayana ka hadhno.
4)(rumaynta rususha)waa inaan rumayno inta uu alle inoogu sheegay
kitaabkiisa magac yadooda, rumaynana inya jiraan rusul iyo nabiyo kale oo
aynaan aqoon, waxaynuna rumaynaynaa nabigeena(scw)Muxamad rumayntaa aan
rumaynayno nabigeenana way ka duwan tahay rumaynta aan rumaynayno nabiyada
kale, rususha kale saan urumaynayno waa inaan qirno inay yihiin rusul alle
soo diraya, amaa nabigeena(scw)saan urumaynayno waa inaan qalbiga iyo
carabkaba ka rumayno, rumaynana marwalba wuxu ina faray iyo wuxu inaga
reebay, marka hadaan raacno wuxuu inoola yimid waajibaadkana aan gudano
xaaraantana aan xaaraan u ictiqaadino xalaashan xalaal shubahaadkana aan ka
fogaano khayraadkana aan ku dadaalo, saasaa ah rumaynta rasuulkeena(scw).
(5) (rumaynta aakhiro)waxa weeye inaan rumayno in laysa soo saarayo dhimasha
kadib xisaabina ya jirto, rumaynana mizaanka iyo abaal marinta iyo ciqaabta
iyo inay jirto jano iyo naar, rumaynana wax kasta oo alle iyo
rasuulkiisu(scw)noosheegen inay maalintaa dhacayso.
(6) (rumaynta qadarta khayr & sharba)waa inaan rumayno in wixi ina asiiba
uuna ahayn mid marnaba inagafi lahaa, wixi ina gafana inuuna ahayn mid
marnaba inagu dhici lahaa, waana inaynaan odhan haday saas iyo saas ahaan
lahayd saas iyo saasbay noqon lahayd , hadu waxas iyo waxaas jiri lahaana
waxaas iyo waxaas madheceen
waana sidaas rumaynta alle iyo maa'igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo
maalinta qiyaamo iyo qadarta khayr iyo sharba
kuli isku soo wada duuboo waxa macnuhu u dhacayaa
hadaad rumayso wax kasta oo aallaah kaa doonay inaad rumayso qayb ama
qayrkiiye waxaad tahay mu,min alaah rumeyay sida allaah leeyahay {kitaabkaa
qur,aanka ahi waxaanuu shaki ku jiri nuu hanuuninayo kuwa allaah ka baqanaya
kuwaasoo rumaynaya qaybka}