Axkaamta Xajka

Maqaalo Kale

  • Muxuu ilaahay u abuuray jinka iyo insigaba ?

 

  • Sifadda jannada Allaah

 

{u diyaar noqda cibadada xajka}

Maalmahan waxaa ina soo food saarey cibaadadii xajka oo ah tiirka shanaad ee tiirarka islaamka iyada oo  ay jiraan dad badan oo sannadkan magaalada Minneapolis ka dhoofaya iyo kuwo kale oo doonaya inay sannadaha dambe xajka gutaan. Waxaan jeclaystay inaan si kooban u caddeeyo shuruudaha iyo waajibaadka ugu waaweyn Xajka.

 

  • Macnaha Ereyga Xajka

Ugu horreyntii waxaan u baahan nahay inaan ogaano macnaha ereyga "xaj" haddaba marka la fiiriyo Luqadda carabiga macnaha ereygan waa qasad shay aad u qasado, marka la fiiriyo shareecadana waxaa loo yaqaan in loola qasdo Xaramka Makah si loo guto  cibaadaadkan: Dawaafka, Sacyiga, Istaagga Carafo iyo cibaadaad kale oo badan.

 

  • Xukunka Xajka

Xukunka shareecada islaamku ka qabto Xajka waa inuu  yahay waajib, wuxuuna ka mid yahay ammuuraha qof kasta oo Muslim ahi garanayo waajibnimadooda oo aan qofna loogu cudurdaari karin in uusan aqoon. qofka uu ku waajibayna cimrigiisa hal mar  ayuu  waajib ku yahay waxaa loo yaqaan "xajul Muslim" haddii uu marar kale qofku xajiyo waa sunne.

 

  • Taariikhda Xajka 

Laga soo bilaabo nabi Ibraahim  (cs) xajku wuxuu ahaa cibaadaadka diimuhu caddeeyeen, nabigeenu (csw) wuxuu ka warramey oo sifeeyey nabiyo badan iyaga oo  xajka gudanaya, hasa yeeshee shareecadeena islaamku xajka waxaa Alla waajibiyey sannadkii lixaad ee hijriga waa sida ugu caansan ee culumada qaarkood ayaa qaba inay markii la waajibiyey ahayd sanadkii sagaalaad ama tobnaad ee  hijriga.

 

  • Xikmadda Xajka Ummadda Loogu waajibayay 

Ugu horeynta xajku waa shay cibaado ah oo Alle nagu waajib yeeley innagana waxa kaliya oo la ina ka rabaa  waa  inaan gudano innaga oo aan waxba daba galin xikmadda ka dambaysa, laakiinse waxaa jira xikmado badan oo nusuusta laga fahmayo waxaana ka mid ah:

  1. Inuu  kordhiyo cabsi Alle,.

  2. In loo hogaansamo amarka Alle.

  3. In qofka muslimka ah loogu dambi dhaafo,.

  4. In qofku booqdo kuna soo cibaadaysto goobaha sharafta iyo khayrka badan ee labada Xaram (Xaramaynka).

  5. In muslimiintu isugu yimaadaan kulan weyn oo sannadle ah kuna kala faa’iidaystaan cilmi, waanooyin, ganacsi, iyo masaalix kale oo badan. masaalixdaanna waa kuwo aan garanayno

  6.  waxaa jira kuwo kale oo aynaan garan karin.

 

  • Shuruudaha Qofka Xajku Ku Waajibayo

Xajku qofka uu ku waajibayo waxaa laga rabaa shuruudahan shanta ah,  qofkii aysan u dhamays tirmin xajku kuma waajibin, .

1.  Islaamnimo: waa inuu qofku muslim yahay haddii uusan qofku muslim ahayn xajku kama ansaxayo ilaa uu muslimo.

2. Caqli,: waa in uu qofku caqli leeyahay hadddii uusan qofku caqli lahayn sida qofka waalan ama doqonka ah oo aan waxba garanayn xajku kuma waajibin ilaa ay caqli yeeshaan, waajibaadka kalena laguma leh qofka waalan ama doqonka ah.

3.In uu qaangaar yahay, haddii uusan qaangaar ahayn xajku kuma waajibin, ilaa uu qaangaaro waajibaadka oo dhanna ilmo saqiir ah laguma lahan.

4. Xorriyad: waa inuu qofku xor yahay haddii uusan qofku xor ahayn ee addoonsi  uu ku jiro waajibkan xajka laguma lahan, ilaa uu xoroobo. Hasa ahaatee ilmaha saqiirka ah iyo qofka addoonka ah hadday xajka gutaan waa ka ansaxayaa.

5. Awood ;'istidaaco'  waa inuu qofku awoodaa xajka, qofna xajku kuma waajibin hadd uusan awoodin, awoodana waxaa laga wadaa arrimahan.:

A. In qofku caafimaad qabo, haddii uu yahay qof gaboobey oo aan kici karin ama uu qabo cudur aan laga rajo qabin in uu ka koco waxaa laga xajisiinayaa qof kale.

B. Nabad galyada waddada, haddii uu qofku naftiisa iyo maalkiisa uga baqo cadow ama qaadicu dariiq (jidgooyo) wuxuu la mid noqonayaa qof aan awoodin, ilaa waddadu aamin u noqoto.

C. Saadka: (Sahay) waxaa laga rabaa qofku inuu haysto hanti ugu filan safarkiisa oo dhan ilaa uu ka soo laabto sidoo kale ciddii waajib ugu leh inuu biilo waxay ku sii noolaadaan inta uu maqan yahay.

Shantan shardi qof aysan u dhamays tirmin xajku kuma waajibin.

 

  • La daahidda Xajka

Qofkii shuruudaha xajku u dhamaystirmaan waxaa laga rabaa in uu la dagdago. Nabigu  (scw) wuxuu yiri qofkii doonaya inuu xajiyo halla degdego, maxaa yeelay" qofku waa jirran karaa, baadi ayaa  ka dhumi karta, ama  dan ayaa  ku soo bixi karta"(1)

 

  • In dambiyada Lagu Dhaafo

Qofkii muslim ah oo xajiya oo si fiican u soo guta dambiga uu galay oo dhan waa loo dhaafaa, Nabibu (scw) wuxuu yiri "qofkii xajiya oo aan wax xun ku dhex samayn oo aan faasiqnimo ku samayn wuxuu soo laabtaa isaga oo dunuubtiisii kala mid ah sidii maalintii hooyadii ay dhashay oo kale" waxaa laga wadaa danbiyadii oo dhan waa loo dhaafayaa.

 

Tiirarka Xajka

Qaabka Xajka  loo gudanayo halkan kuma wada sheegi karno, hase ahaatee xajku wuxuu leeyahay afar tiir oo haddii mid ka mid ah uu qofka ka dhimanaato aan xajku u jirin, afartii tiirna waa kuwan.:

1. Ixraamashada: oo macnihiisu yahay in qofku xajka niyaysto oo xirto markii uu gaaro meelaha laga xirto oo loo yaqaan mawaaqiit.

2. Sacyiga,:oo loo yaqaan orod lagu dhexmaro labada  buurood ee Safo iyo Marwo.

3. Istaagga carafo,:oo laga wado istaag maalinka sagaalaad la istaago buurta Raxmah (jabalu raxmah).

4. Dawaafu ifaada: oo laga wado dawaafka weyn oo la dawaafo maalinka tobnaad.

Afartaan tiir mid  ka mida haddii uu ka dhimanaado qofka xajku uma jiro.

 

  • Dulmar Guud

Xajku wuxuu ka mid yahay cibaadaadka kuwa ugu khayrka badan marka waxaa fiican in qofku waajibkana guto kuwo kale oo sunno ah iyo cumro uu la yimaado inta uu safarka ku maqan yahay waa inuu aad u ducaysto oo xuska Ilaahay badiyo, talbiyada uu kor ula qayliyo, uu hadyi qalo haddii uu awoodo, uuna iska ilaaliyo dhammaan waxyaalaha ajarka xajka dhimi kara.

 

Tobanka malmood Oo Ugu Horreeya Bisha Xajka

 Tobankan maalmood waa maalmo aad u khayr badan oo ay kulmeen cibaadaadka ugu waawayn oo dhan sida salaadda, soonka, sadaqada, iyo xajkii nabigu  wuxuu yiri "ma jiraan maalmo camalka wanaagsani ka khayr badan yahay tobankan maalmood.(3)

Hadaba cibaadaadka khayrka badan ee tobankan maalmood la sameeyo waxaa kamida, salaadda, soonka gaar ahaan maalinka carafo(4) oo ah maalinka sagaalaad, takbiirta iyo digriga, ciidda oo ah maalinka tobanaad, udxiyada oo ah neef la qalo ciidda kaddib qofkii raba inuu qalo udxiyadana waxaa laga rabaa in uusan tobankan maalmood timaha iyo ciddiyaha iska jarin jirkiisa uusan waxba ka taaban ilaa uu qalo neefka udxiyada ah.

waxaan insha allaha  soo diyaarin doonaa kolba mawdiica aan aragno inuu muhhim un yahay wakhtiga dadkuna u baahan yihiin inay ka faa,iidaystaan markaa insha allaah wixii gaabina ee samaynay noogu cudurdaara  allaah haydinka raali noqdee waxaanad aad ugu dadaashaan maqaalkan oo kale in la badiyo dadkana loo qaybiyo aan fahmayn axkaamta xajka doonayana inay xajaan si ay uga faa,iidaystaan

wallaahu subxaanahu watacaala aclam wa axkam

wasalamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

wajazaakumu allahu khayraa

sakariye salafi al athari

hadaad maqaalo hayso halkaan noogu soo hagaaji maqaal@manhaj.co.uk